Warfaafinta Soomaaliya oo ku baaqday in la baaro rag hubaysan oo saaka dilay Eng. Axmed Shariif

Muqdisho, August 17, 2013 – Kooxo hubeysan ayaa saaka ku dilay degmada Shibis ee Muqdisho, Eng. Axmed Shariif Xuseen oo ahaa ?madaxa farsamada warbaahinta dowladda Soomaaliya.

Eng. Axmed marka la dilay waxaa uu ka soo baxay gurigiisa, wararku waxay sheegayaan in uu ku socday xaruunta shaqada oo ah warbaahinta dowladda, lamana oga ilaa hadda dilkiisa cida ka dambaysa.

Wasaarada warfaafinta ee dowladda Soomaaliya ayaa aad? u canbaaraysay dilka marxuumka, wasiir ku xigeenka wasaaradaas Cabdishakuur cali Mire, ?wuxuu ku baaqay in baaritaan dheer lagu sameeyo cidii dilkiisa ka dambaysay.

Mudane Mire wuxuu u tacsi u diray Eng. Axmed iyo ehelkiisii, goor dhow ayaa la filayaa in lagu aaso meydka Marxuumka Muqdisho.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com