Warbixinta Radio Daljir ee Wasiir Gallan & Gobolka Sanaag, xoreyn kabacdi (dhegayso)

Warbixinta Radio Daljir ee Wasiir Gallan & Gobolka Sanaag, xoreyn kabacdi (dhegayso)

Gobolka Sanaag kahor tagitaankii Wasiir Gallan waxa uu ahaa gobol tafaraaruq hareereeyey. Waxa uu ahaa gobol ay Somaliland u matalaan horjoogayaal siyaasiyiin-isku-sheeg ah inta dadka reer Sanaag ugu liidata. Waxa uu ahaa gobol hoggaankiisa Puntland ayana aysan wax badan kala hagin. Gobolka Sanaag waxa uu shantii sano ee la soo dhaafay noqday gobol saraakiisha iyo siyaasiyiinta Soomaali-diidku markay rabaan yimaadaan, kay rabaan la qayilaan, kay rabaanna la casheeyaan.

Xoreyn kahor se waxaa xusid mudan in dagaalo kharaar oo sababay dhimasho, dhaawac iyo barakac kabacdi, uu wasiir Gallan galay Baran 21kii May 2019. Wasiirku waxa uu 22kii bisha la shiray maamulka degmada iyo kan gobolka. 23kii bisha waxa uu wasiirku iclaamiyey in gobolka Sanaag aysan laba calan ka wada lulan doonin. 24ka bisha illaa iyo 29kii Wasiir Gallan waxa uu mideeyey dhammaan ciidamadii gobolka oo dhan joogay, waxa uuna yagleelay hal hoggaan ciidan oo hoosyimaada Puntland. 30kii bisha May 2019 waxa uu Wasiir Gallan magaalada Ballibusle ku qabtay xaflaad ballaaran oo hal goob la isugu keentay nin-doorkii iyo ciidamadii difaaca Sanaag, halkaas oo lagu soo afmeeray khilaafkii gobolka Sanaag, laguna dallacsiiyey saraakiishii ka soo goostay maamulka Somaliland. Isla goobtaas waxa uu Wasiir Gallan iyo dhammaan wasiiradii Puntland ay ku iclaamiyeen in maamulka Puntland la gaarsiin doono magaalada Ceerigaabo.

Dhegayso oo hoos kaga bogo:

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com