Warbixin: Safarada Madaxweynaha dawlada Puntland ee dalalka Jibouti, Ethiopia & Libya.

Tripoli, Jan 29 – War Saxaafadeed: Madaxweynaha Puntland Cabdiraxman Maxamad Farole oo muddo labo asbuuc ah safaro ku marayey Ethiopia, Libiya iyo Jabuuti ayaa waxaa uu maanta Jan 29,2010 aqalka Madaxtooyada kula kulmey Madaxweynaha Jamhuriyada Jabuti Ismaciil Cumar Geele.

Mud. Farole iyo Mud. Geele ayaa kulankooda diiradda ku saarey xaalada Somalia ka taagan iyo sidii xal loogu heli lahaa iyada la wada ogsoon yahay in dowladda Jabuti kaalin weyn ka caayaartey sidii xal loogu heli xarbi-ahliga Somalia ka socdey mudada 21-ka sano ah.

Madaxweyne Farole ayaa hoogamiyaha dalka Jabuti sidoo kale ka codsadey in xaalada Somalia ka tagaan muhiimad koowaad laga siiyo shirka ururka midowga Afrika uga furmi doona magaalada Addis-Ababa. Madaxweynaha Jabuti ismaaciil Cumar Geele oo maanta 29 Jan, 2010 u ambabaxaya dalka Ethiopia ayaa sheegey in amaanka mandaqada guud ahaan khatar ku jiro hadii aan xal deg-deg ah loo helin xaalada cakarin ee ka taagan Somali gaar ahaan Koonfurta halkaas oo daagaalo xoogan ka socdaan.

Madaxweynaha Puntland ayaa hoosta ka xariiqey in amni darada maalmahaan kasoo korortey Puntland iyo Somaliland salka ku hayso xaalada ka sii dareysa ee ka taagan Koonfurta & gobolada dhexe ee Somalia tasoo cabsi weyn laga qabo iney saameyn ku yeelato Jabuti iyo wadamada dariska badda kala ah sida Yamen.

Dhinaca kale safarkii Madaxweynaha Puntland ku tagey dalka Ethiopia ayaa guul ku soo dhamaadey iyada oo uu halkaas kula kulmey madaxda dalkaas iyo safiirada hay’adaha caalmiga ah ka jooga Addis Ababa. Kulamada Farole la yeeshey Ethiopia ayaa ka hadlayey xaalka Somalia iyo kaalinta Ethiopia kaga jirto xal u helidiisa iyada oo la sheegey inuu muhiim yahay xiriirka u dhexeeya Puntland iyo Ethiopia.

Safarkii Madaxweynaha Puntland ku tagey dalka Libiya ayaa dhinaca kale ku soo dhamaadey guul isaga oo la kulmey Ra’isal wasaaraha iyo Madaxweyne Qadafi kuwaasoo kawada hadley arrimaha Somalia. Madaxweynaha Puntland ayaa madaxda dalkaas kala hadley sidii Puntland u tageeri lahaayeen iyada oo uu xusey in dalka Libiya qayb libaax ka qaatey xiligii dhidaba loo aasayey maamulka Puntland.

Madaxda Libiya oo uu Madaxweyne Qadafi ugu horeeyo ayaa balan qaadey inuu tageeri doono maamulka Puntland iyo guud ahaan Somalia.

Maamulka Puntland ayaa waxaa ka go’an sidii codka shacabka ku dhaqan mandaqada u gaarsiin lahaa caalamka isaga oo geed gaaban iyo mid dheer u fuuli doona madaama ay yihiin kuwo nabadda iyo hurumarka jecel.

Xafiiska Madaxweynaha Dowladda Puntland

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com