Guddoomiyihii ururka isku-xirka ardayda Soomaaliyeed C/llaahi Mahdi Sayidka oo xalay lagu dilay Boosaaso.

Bosaso, Jan 31 – Alle ha u naxariistee C/llaahi Mahdi Xasan oo ku magac dheeraa?Sayidka? ahaana guddoomiyiha ururka dhallinyaro oo lagu magacaabo ururka isku-xirka ardayda Soomaaliyeed SSCO, ayaa habeenkii xalay ahaa lagu dilay magaalada Boosaaso.

Alle ha u naxariistee Sayidka ayaa la dilay isagoo marayey bartamaha magaalada Boosaaso fiidnimadii hore ee xalay waxaana sida la sheegay madaxa ka toogtay nin baskoolad ku hubaysnaa, kaasi oo markii uu dilkaasi gaystayna baxsaday.

Ciidamada ammaanka oo isla markiiba gaaray goobta guddoomiyaha lagu dilay ayaysan u suurto galin in ay gacanta ku dhigaan ninkii fal danbiyeedkaasi gaystay, hase ahaatee saraakiisha amnigu waxay Daljir u sheegeen in ay wadaan baaritaan xooggaan oo ay ku soo qabanayaan ninka dilkaasi gaystay.

Guddoomiyaha ururka dhallinyarada ee Sayidka ee xalay lagu dilay magaalada Boosaaso ayaa ahaa nin dhallinyaro ah oo aad ugu firfircoonaa arrimaha hormarinta bulshada, waxaana uu si gaar ah ugu olalayn jiray ka shaqaynta nabadda, gaar ahaan muddooyinkii danbe ee Puntland ay ka dhaceen dilalka qorshaysan waxaa si aan kala joogsi lahayd uu uga hadli jiray adkaynta nabadda.

Ururka SSCO, ee uu guddoomiyaha ka ahaa marxuubka la dilay ayaa xarumo kala duwan ku lahaa deegaannada Puntland, gobollada dhexe iyo koonfurta Soomaaliya, waxaana hawshiisa ugu weyni ay ahayd isku-xirka ardaysa iyo la socoshada xaaladahooda nolosheed iyo middooda waxbarasho.

Alle ha u naxariistee C/llaahi Mahdi Xasan ?Sayidka, waxaa maanta lagu aasayaa qabuuraha magaalada Boosaaso, waxaana aaskiisa ka qayb gali doona mas?uuliyiin ka tirsan maamulka Puntland, ururrada dhallinyarada iyo dadweyne kala oo aad u faro badan.

Waa markii ugu horraysay oo deegaannada Puntland lagu dilo guddoomiye urur dhallinyaro, waxaana dilkiisu uu ku soo beegay xilli dhawaan maamulka Puntland uu ku dhawaaqay in oo xoojiyey ammaanka deegaannada Puntland, mana jirin toddobaadkii la soo dhaafay wax fal noocaan oo kale ah oo ka dhacay Puntland.

C/fitaax Cumar Geeddi,
Idaacadda Daljir.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com