HomeUncategorized

Warbixin: Barnaamijka Tartan iyo Tacliin oo la shaaciyay isku aadka wareega sadexaad

Bosaaso, July 29 - Barnaamijka Tartan iyo Tacliin oo ay ku tartamayeen 24- dusgi oo ka dhisan deegaanada Puntland ayaa xalay lasoo gabagabeeyey wareegii labaad , waxaana caawa la shaaciyay sideeda dugsi ee usoo gudbay wareega sadexaad ee barnaamijka.

Somaliland iyo shacabka Cayn oo lakala wareegaya maxaabiis ay horay u kala-qabsadeen.
Hawlihii caafimad ee dhakaatiirta ajaaniibta ah oo ka socda Garowe; dawladda oo kordhisay waqtiga joogitaanka dhakhaatiirta.
Eng Camey oo Garowe ku Qaabilay Madaxa Hay’adda UNICEF ee Somalia Mr. Steven Lauwerier

Bosaaso, July 29 – Barnaamijka Tartan iyo Tacliin oo ay ku tartamayeen 24- dusgi oo ka dhisan deegaanada Puntland ayaa xalay lasoo gabagabeeyey wareegii labaad , waxaana caawa la shaaciyay sideeda dugsi ee usoo gudbay wareega sadexaad ee barnaamijka.

Gudiga barnaamijka Tartan iyo Tacliin ayaa sidoo kale sheegay habeebanada ka harsan barnaamijka in la qaban doono hal tartan ama ay ku tartamayaan laba dugsi , halkii wareegyadii koowaad iyo labaad ay tartami jireen afar dugsi oo la qaban jiray laba qayb oo tartan ah.

Waxaa sidoo kale gudiga sheegay wareega sadexaad dugsiyada hadii bareejo galaan in lagu dari doono su’ aalo dheeraad ah si loo kala reebo oo habeenkii usoo baxo hal dugsi.

Gudiga ayaa sidaan shaxda hoose ah isugu aadiyay dugsiyada sideeda ee kasoo gudbay wareegii koowaad iyo labaad ee usoo baxay wareega sadexaad.

 

 

Isku aadka koowaad ee Barnaamijka Tartan iyo Tacliin ee Dugsiyada sare ee Puntland  
                 
  Dugsiga 1aad   Dugsiga 2aad Taariikh Dhibcaha
1 Nugaal Secondary VS Shaafici Boosaaso Talaado 21 Ram 31-Jul    
2 Al-Nuur Baran   Al-Azhar Qardho Arbaco 22 Ram 1-Aug    
3 Dangoray Secondary VS Dhahar Secondary Khamiis 23 Ram 2-Aug    
4 Cumar Samatar GLKY VS Xamdaan Boosaaso Jimco 24 Ram 3-Aug    
                 
      Gudoomiyaha Tartan Iyo Tacliin      
      Yuusuf Suudi Cabdi          
                 
      ___________________          
               
                 
               

Barnaamijkaan ayaa waxaa maalgalinaya wasaaradda waxbarshada Puntland, Golis Telcom, Salaam Bank iyo daladda waxbarshada PEN oo soo diyaarisa su’ aalaha tartanka , waxaana baahiya Radio Daljir xarumihiisa Soomaaliya.

Diiwaanka wararka

Daljir Bosaaso.

 

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: