Ciidamo Ethiopian ah oo gaadhey degmada Qansax dheere ee gobolka Baay

Baydhabo, july 30, 2013 – Degmada Qansax-dheere ee gobolka Bay waxaa xalay ilaa saaka ku sii qul-qulayey ciidamo Ethopia ah oo aad u gaashaaman, kuwaasi oo la sheegay in u socdaan si raxan raxan ah.
?
Wararka aan ka helayno deegaankaas ka tirsan gobolka Bay waxay sheegayaan in ciidamadu ay wataan gadiidka dagaalka iyo hubka cul culus, waxaana lagu sheegay Baabuurta ay wataan ilaa 25 Gaari.
?
Goob-joogayaal ku sugan Qansax-dheere waxay sheegeen in ciidanku uu aad u badan yahay, isla markaasna ay u socdaan howgal balaaran oo aan la ogeyn wuxuu noqon doono.
?
Dadka deegaanka ayaa waxaa la soo derista cabsi xoog leh oo ay qabaan in dagaalo hor leh ay halkaas ka qarxaan, waxaana la soo sheegayaa in inta badan goobaha ganacsiga Qansax-dheere in ay xiran yihiin.
?
Diiwaanka wararka
Radio Daljir

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com