Waraysi Cabdulqaadir Cammo:  Go’aanka Puntland ee Xiisadda Gacanka iyo Saamayntiisa Xiriirka Puntland iyo DFS (dhegayso)

HomeWararkaSiyaasadda & Dhaqaalaha

Waraysi Cabdulqaadir Cammo: Go’aanka Puntland ee Xiisadda Gacanka iyo Saamayntiisa Xiriirka Puntland iyo DFS (dhegayso)

Aqoonyahan cabbiraya aragtidiisa la xiriirta mowqifka dawladda PL ka qaadatay xiisadda dalalka Khaliijka. War qoraal ah oo kasoo baxay madaxtooyada

Maxaa sababay in Abwaan Cabdirashiid uu helo 5 cod oo kaliya? (dhegayso | daawo)
Jiif Caaqil Maxamud Cabdi Diiriye oo Daljir uga warbixiyey xaaladda magaalada Laascaanood
TOP SECRET: Yaa dilay AUN Madaxweyne Cabdirashid Cali Sharmarke, Mareykanku se muxuu ka ogaa?

Aqoonyahan cabbiraya aragtidiisa la xiriirta mowqifka dawladda PL ka qaadatay xiisadda dalalka Khaliijka.

War qoraal ah oo kasoo baxay madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in PL ay taageersan tahay mowqifka ay xulufada Sacuudiga iyo Imaaraadku horkacayaan ay ka qaateen dalka Qadar, maadaama dalalkaasi ay xiriir dhow oo dhanka amniga, dhaqaalaha iyo mashaariicda ah la leeyihiin Puntland iyo guud dalka Somaliya-ba.

Iyadoo dhanka kalana ay Puntland ugu baaqday dawladda federalka ee Somaliya inay ka noqoto mowqifkii dhex-dhexaadnimo ee ay horay u qaadatay.

Hadaba muxuu ka dhiganyahay go’aanka ay PL xilligan qaadatay, muxuuse saamayn ah oo ku yeelan karaa xiriirka Puntland iyo dawladda Federalka? Su’aalahaas iyo kuwa kalaba waxaa Radio Daljir uga warramay aqoon yahay Cqaadir Cali Suleymaan oo Cammo lagu naaneyso oo magaalada Bossaso ugu warramay Axmed Sh. Maxamed “Tallman”.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: