WARARKII UGU DANBEEYEY EE WASAARADDA GAASHAANDHIGGA ITOOBIYA IYO DUULLAANKA QORSHEYSAN EE SAYLAC

HomeWararkaSiyaasadda & Dhaqaalaha

WARARKII UGU DANBEEYEY EE WASAARADDA GAASHAANDHIGGA ITOOBIYA IYO DUULLAANKA QORSHEYSAN EE SAYLAC

Wararkii ugu danbeeyey ee Daljir ka helayso Itoobiya ayaa tibaaxaya in saaka kulan uu ka dhacay Wasaaradda Gaashaandhigga Itoobiya laguna gorfeeyey qo

Turkiga: “Waxaan haynaa caddaymo kale oo muujinaya saraakiisha qaybta ka ahaa dilka Khashoggi”
Damiirka xanuunsanaya ee Muslimiinta: Waa in dib-loo-helo Islaanimo aan takoor lahayn
Nayroobi oo Samada Heehaabaysa, Hello Kiliminjaaro iyo “The Pinnacle” (sawirro)

Wararkii ugu danbeeyey ee Daljir ka helayso Itoobiya ayaa tibaaxaya in saaka kulan uu ka dhacay Wasaaradda Gaashaandhigga Itoobiya laguna gorfeeyey qorshaha sidii loo waji lahaa gobolka Awdal markii maalmaha soo socda uu Barlamanka Itoobiya ansixiyo heshiiskii dhexmaray Itoobiya iyo Muuse Biixi. Heshiiska ayaa xeebaha Saylac iyo Lughaye ku wareejinaya Itoobiya.

Ilo wareedyo xogogaal ah oo Daljir la xiriirtay ayaa Daljir u xaqiijiyey in wararka sheegaya in Raysal Wasaare Cabii Axmed uu baajinayo heshiiskii Muuse Biixi uu yahay beenabuur loogu talagalay in lagu jaahwareeriyo bulshada Soomaaliyeed si loo baajiyo bannaanbaxyo bulsho.

Sida ay Daljir u xaqiijiyeen ilo wareedyadu, kaddib markii maalmaha soo socda uu Baarlamanka Itoobiya ansixiyo heshiiska, waxaa saaka ciidanka militaryga Itoobiya lagu amray in ay isla markiiba u diyaargaroobaan in ay galaan gobolka Awdal ee Soomaaliya oo galitaan kabacdi noqon doona gobol kamid ah gobolada Itoobiya ciidankuna amar u haysto in uu difaaco, sidaas darteedna Lughaya iyo Saylac ay yihiin dhul Itoobiya. Ciidanka ayaa la ogeysiiyey in laga bilaabo saacadda uu barlamanku ansixyo heshiiska uu noqonayo qodob dastuuri ah.

Ciidamada Itoobiya waxaa kale oo amar lagu siiyey in ay sidoo kale u ilaaliyaan danaha Somaliland.

Saraakiisha ciidamada ayaa lagu wargaliyey in Qaramada Midoobay iyo Dawladda Ingiriisku ay raali ka yihiin galitaanka ciidanka Itoobiya ay gali doonaan gobolka Awdal. Arrintaas ayaa ah marinhabaabin toos ah ayada oo Qaramada Midoobay iyo Ingiriiskuba ay si isku mid ah uga horyimaadeen heshiiska Muuse Biixi iyo Abiy Axmed, taageerayna madaxbanaanida iyo qaranimada dalka Soomaaliya.

Ciidamada ayaa sidoo kale loo raaciyey warbixinta in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh uusan arrinkaan mar danbe ka hadli doonin.

Dhanka Somaliland, ciidamada Itoobiya ayaa lagu wargaliyey in ay Somaliland ka saacidaan ilaalinta xaduudaheeda. Arrinka xuduudaha Somaliland ayaa noqonaya dagaal si bareer ah loo beegsan doon gobolada SSC-Khaatumo iyo waliba Puntland.

Shirka saaka ee Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa waxaa dibadda ka joogay warbaahinta militariga iyo tan dawladda Itoobiya.

Barlamanka Itoobiya ayaa maalmaha soo socda la filayaa in uu kulan degdeg ah yeesho kaas oo uu ku ansixinayo heshiiska Itoobiya iyo Muuse Biixi.

Madaxweyne Xasan Shiikh ayaan illaa iyo hadda qaadin wax tallaabo ciidan ama mid abaabul bulsho oo uu kaga hortagayo duullaanka soo fooleh ee Itoobiya. Madaxweynuhu weli ma aqoonsan SSC-Khaatumo, sida bulshada Awdal ay codsadeena ma uu magacaabin maamul hoostaga Dawladda Federaalka Soomaaliya. Qorshah Madaxweyne Xasan ee dibad-wareegga ayaa hadda u muuqda mid ah “qowda maqashii waxna ha u qaban” ummadda Soomaaliyeed iyo difaaca dhulka Soomaaliya.

La soco wararka Daljir | Jamarti Yaxye, Radio Daljir

> Warbaahinta Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: