Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalkii Dhuusamareeb ee u dhexeeyay DFS iyo Ahlusunna

Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalkii Dhuusamareeb ee u dhexeeyay DFS iyo Ahlusunna

Magaalada Dhuusamareeb waxaa saaka ka socda dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada dowladda Federaalka iyo Ahlusuna wal jameeca.

Sida wararku sheegayaan dagaalka maanta ayaa ka xooggan kii xalay ka dhacay magaalada oo ahaa mid kooban.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in dagaalka labada dhinac uu yahay mid ay isu adeegsanayaan madaafiicda hoobiyeyaasha ah.

Dhowr madfac ayaa ku dhacay dhabarka dambe ee Hotelka caanka ah ee Midnimo oo ku yaalla bartamaha magaalada.

Lama oga khasaaraha rasmiga ah ee dagaalka ka dhashay, marka laga reebo dhinacyada dagaalamaya oo dhimasho iyo dhaawac kala gaartay.

Labada ciidan ee dagaalamaya ayaa goobaha ay difaaca uga jiraan ka ridaya rasaas culus iyo qoryaha B10 iyo qoriga RBG, waxaana dadka deegaanka ay goor hore oo xalay bilaabeen inay ka barakacaan.

Ahlusuna iyo maamulka Galmudug ee uu hoggaamiyo Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa midba midka kale ku eedeeyay inuu dagaalka ku soo qaaday.

Labada Madaxweyne ee magaalada ku wada sugan ee kala ah Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor oo ay aqoonsan yihiin dowladda Federaalka iyo Beesha Caalamka iyo Madaxweynaha kale ee taageerayaashiisa doorteen ee Ahlusuba Sheekh Maxamed Shaakir ayaa la sheegayaa inay xarumahooda kubsugan yihiin.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com