Wasiir Beyle:  “Soomaaliya waxa loo aqoonsaday dal jira oo Adduunka kale wax la qaybsan kara”

HomeWararka

Wasiir Beyle: “Soomaaliya waxa loo aqoonsaday dal jira oo Adduunka kale wax la qaybsan kara”

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Bayle oo faah-faahin ka bixiyay deyn Cafinta Soomaaliya waxa uu sheegay in Soomaaliya a

Warbixinta Tartan & Tacliin: Cabdirashiid Cali Sharmarke Gaalkacyo fkf Dalmar Sare iyo Xaaji Cabdilaahi Balidhidhin iyo Midigale Sacandery
Warka Caweysin iyo iid Gunre , Daljir Bossaso (dhegayso)
Xulashada Daljir & Xuseen Madar, Daljir Bossaso (dhegayso)

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Bayle oo faah-faahin ka bixiyay deyn Cafinta Soomaaliya waxa uu sheegay in Soomaaliya ay guul wayn kasoo gaartay shirarkii looga hadlayay Lacagta lagu leeyahay.

Wasiirka ayaa sheegay in Soomaaliya lagu amaanay in ay waqti kooban ay uga soo baxday Shuruudaha deyn Cafinta, isla markaana ay la timid hab maamul lagu hagaajinayo dhaqaalaha dalka.

“Waxa aan rabnaa Maalgelin badan si dhaqaalaha Dalka uu usii kordhay, wax dal la siiyo oo aan Soomaaliya la siineen ma jiro, guushaan waxaa kaalin ka qaatay Madaxweynaha Jamhuuriyadda, Ra’iisul Wasaaraha, Hay’adaha kala duwan ee Dowladda iyo Ganacsatada, waxaana nalagu amaanay in Haddii Soomaalidu ay damcaan in ay wax qabtaan waa ay qaban karaan” sidaas waxaa yiri Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya.

Cabdiraxmaan Ducaale Bayle Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya waxa uu shaaciyay in labo shir oo muhiim u ah Soomaaliya ay kala yeesheen Bangiga horumarinta Afrika iyo Bangiga Adduunka 26-ka iyo 27-ka Febaraayo.

“Dalalka deynta doonta iyo Soomaaliya, Kaliya waxa ay ku kala duwan yihiin, wax waliba oo aan u baahanay waxaa muddo sanado ah nalagu siinayaa deeq ahaan, waana rajeyneenaa in waqti aan fogeyn aan amaah doonano” Wasiir Bayle ayaa sidaasi ku sheegay hadal uu siiyay Warbaahinta.

Waa uu sii hadlay waxa uuna yiri “Wadadii dheereed ee isbadalka Maaliyadda iyo dhaqaalaha halkaan kuma ekaandoonto, maanta waa biloow wanaagsan oo qof waliba oo Soomaali ah uu ku farxi karo balse isma dhigan doono, howshuna way sii soconaysaa ilaa aan ka gaarno isku filnaasho buuxda, inagoo ka faa’iideysan doona kheyraadka Dalkeena” ayuu hadalkiisa kusoo gaba-gabeeyay Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya.

Sanadihii tagay, Soomaaliya waxa ay ku howlaneed buuxinta shuruudaha la hordhigay ee la xiriira deyn cafinta, waxaana dhowr jeer Gudaha dalka iyo dibaddaba lagu qabtay shirar la isaga xog-wareysanayay halka uu marayo qorshahaas.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: