Nigeria: Qofkii ugu horeeyay oo laga helay Caabuqa Coronavirus

Wararka naga soo gaaraya dalka Nigeria ayaa sheegaya in lagu arkay dalkaasi qofkii ugu horreeyay ee uu ku dhacay cudurka Corona.

Bukaankan ayaa kasoo jeeda dalka Talyaaniga, wuxuu ka shaqeynayay dalka Nigeria, waxaa uu Talyaaniga kasoo laabtay 25-tii bishan.

Mas’uuliyiinta waxay sheegayaan in qofka uu ku dhacay cudurka Corona hadda lagu daweynayo isbitaal ku yaal magaalada Lagos isla markaana xaaladdiisa ay wanaagsan tahay.

Dowladda Nigeria ayaa sheegtay in diyaargarow buuxo ay sameysay si looga hortago cudurka, waxaana kamid ah xarunta xaaladaha degdeg ah.

Waxay mas’uuliyiinta bilaabeen inay baaraan rakaabka ka imaanayo dalalka uu saameeyay Corona.

In ka badan 80,000 qof ayaa u geeriyootay cudurka Ebola, waxaa uu ku faafay ilaa 40 dal.

Qaaradda Afrika, waxaa cudurka lagu arkay sida Ageria iyo Masar.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com