Wararkii u dambeeyey ee xiisadda Galmudug

Wararkii u dambeeyey ee xiisadda Galmudug

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka mid ah xubnaha baarlamaanka Soomaaliya ee ku howlan dhexdhexaadinta khilaafka u dhaxeeya masuuliyiinta Galmudug ayaa sheegay inay hormar ka sameyeen wadahaladii ay la yeesheen madaxda khilaafka uu ka dhaxeeyo.

‘Labadii kulan ee hordhaca aheyd ee aan la qaadanay madaxda GALMUDUG state ee shanta ah, waxey noogu soo dhamaadeen si wanaagsan, waxaana uga mahadcelinaynaa sida xilkasnimada leh ee ay noo soo dhoweeyeen, waxaana loo ballamay kulamo kale oo halka ay noo joogto laga sii wadayo” ayuu yiri Fiqi.

Xildhibaano kasocda labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya oo gaaray magaalada Cadaado ayaa la kulmay madaxwaynaha Galmudug ee xilka laga qaaday, xildhibaanada, madaxwayne kuxigeenka Galmudug iyo guddoomiyaha baarlamaanka.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com