War saxaafadeed: Mawqifka cusub ee Dawladda Puntland kaga aadan dawlada federaalka ah (TFG).

Garowe, Jan 16 – WAR-SAXAFADEED: Mawqifka Cusub ee Dawladda Puntland kaga aadan TFG.

Dawlada Puntland, Somaliya

Ka dib markii la arkay; ka qaybqaadasho la?aanta iyo wada-tashi la?aanta ee Dowladda Puntland shirkii Djibouti oo saldhig u ahaa dhisitaanka Dowladda Federaalka KMG ah (DFKMG) ee Soomaaliya oo hada jirta;

Ka dib markii la arkay; hirgalin la?aanta dhanka DFKMG ah ee Heshiiskii Galkayo (23 Agosto 2009) iyo Isafgaradkii Iskaashiga dhanka Amaanka (12 Abriil 2010) oo ay wada saxiixeen DFKMG ah iyo Dowladda Puntland;

Ka dib markii la arkay; qaabkii looga fogeeyey Dowladda Puntland ka faa?idaysiga mashaariicda ay bixiso Beesha Caalamka ee loogu talo galay dib-u-dhiska iyo hor?umarinta deegaanada Soomaaliya oo dhan oo ay ka mid tahay tababarada ay ciidamada amaanka ee Soomaaliya ku qaadanayaan dalal ay ka mid yihiin Uganda, Kenya iyo Djibouti;

Ka dib markii la arkay; ishoristaaga DFKMG ah Qoraal-qabyeedkii Dastuurka Federaalka Soomaaliya taasoo ay sabab u yihiin Madaxda DFKMG ah oo ka war-wareegaya nidaamka Federaalka arrintaasoo ka soo horjeeda Axdiga KMG ah ee Dowladda Federaalka;

Ka dib markii la arkay; hor-usocod la?aanta DFKMG ah ee dhanka Amniga, arrimaha bulshada iyo dhisida Dowladdo u dhisan Nidaamka Federaalka sida lagu xusay Axdiga KMG ah ee Dowladda Federaalka;

Ka dib markii la garawsaday; tayo la?aanta iyo tabar la?aanta Hogaanka DFKMG ah ee dhanka hor?umarinta dib-u-heshiisiinta iyo qorshe xumada DFKMG ah kaga aadan doorkii looga filayay inay samayso inta aanu xilka u dhamaan;

Ka dib markii la ogaaday; in DFKMG ay qayb ka tahay hurinta colaadaha xasiloonidarada ka abuuraya goobaha nabdoon ee Somaliya.

Golaha Wasiirada ee Dowladda Puntland oo maanta shir aan caadi ahayn isugu yimid ayaa go?aamiyay arimaha soo socda:

? Waxay amaan u soo jeedinayaan doorka taageero ee Beesha Caalamka u fidiso Soomaaliya iyagoo si gaar ah usoo dhaweeyey Ciidamada AMISOM ee nabad-ilaalinta;

? Waxay u soo jeedinayaan Beesha Caalamka in aysan u aqoonsan DFKMG ah mid wakiil ka ah Dowladda Puntland;

? Waxay ku dhawaaqeen in Dowladda Puntland aysan wax wada-shaqayn ah la yeelanayn DFKMG ah inta laga helayo dowlad Federaal ah oo ay ku heshiiyeen saamilayda kala duwan ee Soomaalida;

? Waxay cadaynayaan in DFKMG aysan sinnaba wakiil uga noqon karin Puntland ka qaybgalka shirarka caalamiga ah, waxayna ugu baaqayaan Xafiiska Qaramada Midoobay ee Siyaasada Somaliya (UNPOS) in ay dib uga fiirsato mowqifkeeda iyo taageerada ay la garab-taagantahay DFKMG ah taasoo lid ku ah qaybaha kale ee Somaliyeed sida Puntland;

? Waxay si weyn usoo dhaweeyaan siyaasadda cusub ee Dowladda Maraykanka (Dual track Policy) ee ku aadan arrimaha Somalia taasoo ka turjumayso xaqiiqada dhabta ah ee Somalia.

? Waxaa ka go?an Dowladda Puntland inay si gaar ah ugala macaamisho Beesha Caalamka arrimaha dib-u-dhiska iyo hor?umarinta Puntland, sidoo kale waxay kala shaqayndoontaa arimaha dib u heshiisiinta Somaliya, IGAD, AU, Arab League, Islamic Conference, EU, USA, iyo dhamaan deeq-bixiyeyaasha;

? Waxay aad ugu soo horjeedaa in DFKMG ayan dhaafi Karin mudada xilkeeda, maadaama ay ku guul daraysatay hawlihii loo igmaday;

? Waxay ku baaqeen soona dhaweeyeen in Puntland diyaar u tahay qabashada shir dib-u-heshiisiinta Soomaaliyeed.

—–DHAMAAD—–

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com