Wafdi ka socday Hay’adda Duulista rayidka Jaamacadda Carabta oo sagootin loo sameeyay

HomeWararka

Wafdi ka socday Hay’adda Duulista rayidka Jaamacadda Carabta oo sagootin loo sameeyay

Hay’adda Duulista iyo Saadaasha Hawada Soomaaliya ayaa maanta munaasabad sagootin ah u sameysay afar xubnood oo Quburo ah, kuwaasi oo ka socday Ururka

Puntland oo soo diiwaan galisay ciidamadii ku sugnaa Galgala
Warka Kooban ee Xulashada Daljir (dhegayso)
LAAG: DALKAAGA KU DALXIIS

Hay’adda Duulista iyo Saadaasha Hawada Soomaaliya ayaa maanta munaasabad sagootin ah u sameysay afar xubnood oo Quburo ah, kuwaasi oo ka socday Ururka Hay’adda Duulista Rayidka ee Jaamacada carabta, isla markaana Muqdisho u yimid inay qiimeen ku sameeyaan maamulka Hawada Soomaaliya si loo ogaado awoodda ay Soomaaliya u leedahay iyo sidii looga taageeri lahaa tababaridda shaqaalaha iyo qalabeyntuba.

Afar Maalin oo ay ku sugnaayeen garoonka Muqdisho waxay kor joogta ka ahaayeen shaqada ka socoto waxa ayna ku amaaneen sida Dowladda Soomaaliyeed ay u xoojineyso horumarinta adaagyada Caalimaga ah ee ka soconaya garoonka Diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde.

Eng. Maxamed Rejeb oo hogaaminayay Ururka hay’adda Duulista Hawada ee Jaamacada Carabta ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliyeed ay horumar weyn gaartay, isla markaan loo bahanyahay in la garab istaago.

Dhameystirka Maamulka Hawada Soomaaliya ayaa maraya heerkii ugu dambeyay, waxaana Maareeyaha hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed uu sheegay in Jaamacadda Carabta ay ka jawaabtay iskaashiga Hay’addaha Duulista ee labada dhinac.

Sidoo kale Maareeyaha Hay’dda Duulista Rayidka Axmed Macalin Xasan waxa uu Barlamaanka ka codsaday inay meel mariyaan Sharciga Maamulka Hawada Soomaaliya, kaasi oo muhiimad u leh shaqada Hay’adda Duulista Rayidka iyo wada shaqeynta hay’addaha Calaamka.

Hay’adda Duulista rayidka Soomaaliya ayaa wada heshiis ay la galeyso dhigeeda dalka Itoobiya, kaasi oo ku saabsan haddii shil diyaaradeed uu ka dhaco hawada labada dal ay baaritaan labada dhinac uga sameeyaan si wadasheynta hay’addaha kale wadamada dariska uu u noqdo mid u madax banaan Soomaaliya.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: