Waddooyinka Muqdisho iyo Afgooye oo laga soo saaray qaraxyo lagu aasay

Waddooyinka Muqdisho iyo Afgooye oo laga soo saaray qaraxyo lagu aasay

Taliye kuxigeenka ciidamada booliska dowlada faderaalka ee Muqdisho Gen. Zakiya Xuseen Axmed ayaa sheegtay ciidamada ammaanka inay ku guulaysteen inay miinooyin kasoo saaraan wadada xiriira Muqdisho iyo Afgooye, kuwaasi oo ay Al-shabaab ku aaseeen.

Taliye kuxigeenka ayaa sheegtay inay gacanta kusoo dhigeen 16 eedaysane oo lagu tuhmayo inay katirsanyihiin Al-shabaab, kuwaasi oo lasoo qabtay iyagoo falal ammaan darro ku howlan.

Waxaa ay sheegtay holwglaada ciidamada ammaanku inay yihiin kuwa wali socda, iyadoo dadka lasoo qabtay oo baaritaano lagu wado , ay laamaha caddaaladda ku wareejinayaan  si loogu xukumo dambiyada ay galeen.

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com