Wacaal Darey ah: Kenya oo albaabada isugu dhufatay qaar xawaaladihii Soomaalida ee Nayroobi

HomeWararka

Wacaal Darey ah: Kenya oo albaabada isugu dhufatay qaar xawaaladihii Soomaalida ee Nayroobi

Ciidamada amniga ee dowladda Kenya ayaa goor dhawayd waxa ay albaabada isugu laabeen dhammaan xawaaladii Soomaalida ee ku yaalay magaalada Nayroobi ee

BANAANBAX LAGU DALBANAYEY CADAALAD OO MAANTA KA DHACEY MUQDISHO
Saaka & Dunida iyo Maxamuud Cabdi Ibraahim (MCI), Daljir Bossaso (dhegayso)
Warka Duhurnimo, Xuseen Cabdi Jimcaalle, Daljir Bossaaso(dhegayso)

Ciidamada amniga ee dowladda Kenya ayaa goor dhawayd waxa ay albaabada isugu laabeen dhammaan xawaaladii Soomaalida ee ku yaalay magaalada Nayroobi ee caasimada Kenya, marka laga reebo shirkada Dahabshiil. Dahabshil ayaa waxaa leh qoys ka soojeeda Somaliland.

lama oga sababta ay u xireen laamaha amniga ee dalkaasi kenya  xawaaladaha Soomaalida, balse warar aya sheegaya in qaar kamid ah xawaaladaha laga qaatay qalabkii ay ku shaqaynayeen.

Dhanka kale ilo xogogaal ah oo Daljir la hadlay ayaa noo xaqiijiyay in Kenya ay u yeertay madaxweynaha maamulka Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi si ay xiriir ula samayso maamulkaasi maadaama maamulkiisu uu sheegto in ay Soomaaliya inteeda kale ay ka go’een.

Dadka falanqeeya arrimaha siyaasada ee Kenya iyo Soomaaliya ayaa aaminsan in arrinta in cadaadiska Kenya ee Soomaaaliya uu salka ku hayo arrinta muranka Badda ee labada dal u dhaxeysa oo ay dacwadooda taal Maxkamadda Hague.

Xasan Heykal,

Daljir Bosaaso.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: