Wacaal Darey ah: Dowladda Puntland oo guddiga garoonka Mire Awaar ku wareejisay $100,000 doollar

Wacaal Darey  ah: Dowladda Puntland oo guddiga  garoonka Mire Awaar ku wareejisay $100,000 doollar

Wasiirka wasaarada maaliyada Puntland Xasan Shire Abgaal ayaa maanta guddiga dhismaha garoonka kubada cagta ee Mire Awaare ku wareejiyay lacag dhan boqol kun oo doollar, taas oo ka timid shacabka iyo dowladda Puntland.

Guddiga dhimaha garoonka ayaa soo dhaweeyay lacagtaasi lagu wareejiyay iyagoona uga mahadceliyay dadkii soo dhiibay.

Dhismaha garoonka kubada cagta ee magaalada Garoowe ayaa waxaa si toos ah loo bilaabi doonaa maalmaha inagu soo aadan iyadoo loo dhisi doono qab casri ah.

Shacbka iyo dowladda Puntland ayaa goobo badan oo kaabayaasha dhaqaalaha ah ku dhisay barnaamijkii isku tashiga ahaa ee uu hal abuurkiisu lahaa madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiwali Gaas.

Diiwaanka warka
radio Daljir Qardho.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com