Dhacdooyinkii ugu danbeeyey ee Dowlad Deegaanka Soomaalida (DDS)

Dhacdooyinkii ugu danbeeyey ee Dowlad Deegaanka Soomaalida (DDS)

Radio Daljir oo xoogga saaraya, siina xoojinaya soo gudbinta wararka iyo waraysiyada iftiimaya xaaladihii ugu danbeeyey ee Dowlad Deegaanka Soomaalida, waxa aan asbuuc walba idiin soo gudbinayaa warar joogta ah oo ka warrama marxaladihii ugu danbeeyey ee deegaanka, dhan siyaasad iyo dhan dhacdooyin deegaanba.

Marxaladihii ugu danbeeyey ee deegaanka, sida ay nala qaysadeen wariyayaasha Daljir ee DDS iyo waliba bulshada deegaanada kala duwan ee gobolada DDS waa sida hoose:

1) Agoosto 1 – Degmada Shilaabo ee gobolka Qoraxay waxa ay ciidamada Itoobiya xabbado ku fureen dad shacab oo aan waxba galabsan, waxaana xabbadahaas ay haleeleen gabar uur leh oo magaceeda lagu sheegay Nimco Carab Halays. Gabadha ayaa loola cararay isbitaal ku yaal magalaada Qabridahare ee Xarunta gobolka.

2) Agoosto 3 – Magalaada Wardheer ee gobolka Doollo waxaa ka biloowday dhismaha dugsi hoose, dhexe iyo mid sare. Dugsiga ayaa waxaa dhagaxdhigay madaxda Gobolka Doollo, Odayaasha dhaqanka oo uu hoggaaminayo Suldaan Cabdiqani, iyo waliba guddiga gacanta ku haya howsha dhismaha dugsiga.

Dugsigaan oo loo qorsheeyey in uu noqdo mid hoy ah oo arday badani qayb ka noqoto ayaa dhismihiisu si rasmiya u bilaabanayaa.

3) Agoosto 4 – Magalaada Jigjiga ee gobolka Fafaan waxaa lagu soo warramayaa in ciidamada Itoobiya iyo kuwa Liyuu Booliska ay halkaas ka wadaan dhaqdhaqaaqyo. Dhaqdhaqaaqa ciidamada ammaanka ayaa sidoo kale abbaaraya degaanada Jigjiga u dhow, sida degmada Babiile iyo degmada Tuliguuleed.

Magaalada Jigjiga, ciidamada Liyuu Booliska ayaa waxa ay xireen qaar ka midah isgoysyada magaalada Jigjiga. Liyuu Booliska ayaa waddooyinka magaalada ku jaray gaadiidka dagaalka, waxaana la soo dhoobay ciidamada ammaanka. Illaa iyo hadda lagama hadlin sababta ka danbeysa ciidamada lagu soo daadgureeyey magaalada Jigjiga.

Diiwaanka wararka,

Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com