Ururka ONLF oo ka hadlay shidaalka laga helay gobolka Soomaalida

Ururka  ONLF oo ka hadlay shidaalka laga helay gobolka Soomaalida

Dowladda Ethiopia ayaa shaacisay in degaanka Soomaalida laga helay keyd Gaaska dabiici ah oo gaaraya 1.6 Trillion Cubic Feet.

War ka soo baxay wasaaradda Macdanta iyo Shidaalka ee dalka Itoobiya ayaa lagu sheegay in Shirkad dhinaca Tamarta ah oo laga leeyahay dalka Britain oo la yirahdo New Age (African Global Energy Ltd) oo sahan ka waday meelo ka mid ah dhulkaasi ay keydkan ka heshay deegaanka Hala-quraan.

Jabahadda ONFL oo dhawaan heshiis la gashay dowladda Ethiopia ayaa ka hadashay dareenkeeda ku aadan gaaskan dhulka Soomaalida laga helay.

Afhayeenka ONFL Caddaani Hirmooge ayaa warbaahinta u sheegay in shacabka Soomaaliyeed ee ku nool deegaanka ay leeyihiin gaaska tirada badan ee laga helay degaanka, islamarkaan aysan jirin heshiis rasmi ah oo laga gaaray.

Waxaa uu sheegay in Soomaalida iyo Oromada in dhibaato badan lagu heyn jiray oo kheyraadka dalka aan laga talagalin jirin, laakiin hadda aysan yeeli doonin in dowladda Itoobiya ay la baxdo heshiis la’aan degaanka ah.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com