Shirkii Garoowe oo galay maalintii 5aad iyo madaxda oo aan weli waxba isla meel dhigin

Shirkii Garoowe oo galay maalintii 5aad iyo madaxda oo aan weli waxba isla meel dhigin

Shirkii madaxda maamul goboleedyada dalka iyo dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta galay maalintii shanaad, waxaan laysku mari la,yahay qaar kamid ah qodobadii laga doodayay.

Madaxda ayaa xalay xili dambe ku gaaray shirkoodii wuxuuna ahaa shirkii ugu waqiga dheeraa ee xalay ay galaan.

Qodobadii xaasasiga ahaa ee hareeyay inta uu socday shirkan waxaa kamid ahaa khilaafka ka dhextaagan maamulka Galmudug, waxaan uu madaxweyne Xaaf uu ka sheegay Golaha in mudo xileedkiisa uu ka bilaabanayo heshiiskii lagu saxiixay dalka Jabuuti,wuxuuna diiday in mudo xileedkiisa uu dhamaaday.

Madaxda ayaa Xaaf waxa ay ku amreen in uu qabto shir dib u heshiisiin ah oo lagu soo afjarayo khilaafka maamulka Galmudug ka dhextaagan.

inta uu shirka socday waxa ay isla meel dhigeen madaxda sharciga doorashooyinka dalka oo ay dhawaan ansixigeen golaha wasiirada Soomaaliya.

Shirkan ayaa noqonaya kii ugu adkaa oo ay madaxdu yeeshaan, tan iyo intii ay bilowdeen kulamadii ay wada qaadan jireen,lamana oga xiliga uu soo dhamaan doono shirkan maadaam markii horeba lashaacin watiga uu soo dhamaanayo.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com