Ururka Ardayda Puntland ee Malaysia oo doortay hoggaan cusub, kulan ay ku yeeshay Plaza Hall.

Kuala Lumpur, July 03 – Ururka ardayda Puntland ee dalka Malaysia ayaa 03-dii July ku dhigtay Plaza Hall munaasabad doorasho si weyn loo soo agaasimay iyado ay ka so qayb galeen dhamaan qaybaha bulshada reer kl si ay uga markhaati kacaan sida ay doorashadu udhacayso.

ugu horayntiii waxa xaflada lagu furay aayadaha quraanka kariimka ka ah oo uu akhriyey axmed shiikh cabdi.ka dib waxaa laguda galay barnaamijkii xaflada iyado uu micraphone ka xiriiriyahu ku so dhaweeyay dr ismacil oo ka mid ah aqoonyahanka soomaliyeed ee malaysia wuxuuna ka hadlay dr ahmiyadu ay waxbarashadu uleedahay aadamiga isago sheegay inay aad u yartahay doorashadan caynkan oo kale oo arday vote gareeyo si habaysan oo buuq yari ah ku dhacdo wa wax aad loogu farxo allena looga mahadceliyo dhalinta rer puntland u ah yididiilo iyo horukac wanaagsan oo in lagu daydo mudan ayu ku so koobay hadalkiisi dr ku.

waxaa isna meesha ka hadlay gudd. gudiga commisionka axmed cisman isago sheegay inay ka guddi ahaan ka koobanyihiin 10 xubnood una ballan qaadeen ardayda inay u qabtaan doorasho xor ah oo ay codkooda ku dhiibtaan taas ayaa naga go an waana fulinaynaa insha allah indhihiina ayaa idiin macallin siday wax udhacaan ayu ku daray hadalkiisi.

waxa mic lagu so dhaweeyey ex gudoomiye maxamed c.samad shalaqbeen wuxuuna yiri ( waxaa farxad ii ah inaan maanta goob joog ka noqdo doorashadii ardayda oo si habsami leh u socota waxaana mahad gaar ah iska leh alle ka sokow gudiga doorashada oo waqtigoodi u huray inay so diyaariyaan doorasho cadaalad ah oo ay ardaydu ku qancaaan,aniga iyo ragaygii kolay wax badan maanan qaban balse waxaa guul ah maanta inaan halkan so gaarsiino ardayda oo iyago isku duuban ka shaqeeyaan midnimadooda waxaana idinku baaqayaa qofkii la doorto inaad la shaqaysaan si aynu uga so baxno hawlaha ina horyaala ana waxaan balan qaadayaa inaan si walaltinimo leh garbaha u qabto gudoomiyihii la doorto caawa).

Waxaa iyadana u hadashay dhanka gabdhaha sis xamda waxayna sheegtay inay qayb lixaad leh ka qaateen dumar ahaan isku keenida ardada iyo midnimadooda waxaana ka codsan hogaanka cusub inay miiska dhigaan xubnihii dumarka ay xaqa uyeesheen anagana waxaan ballanqaadaynaa inaan si kasta ula shaqayno dhalinyarta wixiii xagayaga ah waa naga diyaar ayay tiri xamda.

intaas kadib waxaa laguda galay codbixintii doorashada ,waxaana isu dharaxay gudoonka ardayda labo musharrax oo kala ah maxamed cali geeldoox iyo maxamed faarax dalmar.

waxaan wax ka waydiiyay sidey doorashadu u dhacayso xooghaya dudiga doorashada maxamed aadan haameey waxaana hadaladiisi kamid ahaa ( walal waad ujeeda sidey wax usocdaan waxaana codaynaya 34 arday oo ka kala yimid 15 jaamacadood oo ku yaal malaysia waxaana so xulay gudoomiyaasha jaamacadaha ka guddi ahaana kormeer baanu ka haynay si ay u noqdaan waxaanu dhabarka uridanay mid sugan ardaydana arkaan wax hufan oo dhaxal gal ah oo barito lagu dayan karo taas baa naga go an waana meel marinaynaa,ardayda walba box kaas buu ku vote garayn dadkuna way u wada jeedaan ninkii ay ardaydaas u doortaan ayaa noqonaya qofka sharciga ah ).

hadaba daqiiqado gudahood tirinta codadka ka dib ayay ku dhawaaqeen gudiga doorashada siday codadku u kala baxeen waxayna sheegeen in ay wada codeeyeen 34kii xubnood halka 9 cod uu helay musharrax maxamed cali geeldoox ,musharrax maxamed faarax dalmar uu helay 25 cod, waxaana halkaas ka cad inu ku guulaystay doorashada gudoomiye maxamed faarax dalmar.

waxaa loo yeeray musharrixii laga guulaytay si uu oraahdiisa u dhiibto wuxuuna yiri (aad baan ugu faraxsanahay sida cadaalada ah oo ay doorashadu u dhacday waana u mahadcelin gudiga doorashada iyo asxaabtayda intii ii codaysay iyo intaan ii codayn,waana ku qanacsanahay codbixinta, waxaana qabaa inaan guulaystay maadaama ay doorashadii lagu guulaystay ,anigu ma harin xilliga aan nasiibka uyeesho ayaan sugayaa waana u hambalyayn walalkii ku guulaystay xilkan ilaahay ha la garab galo waana in aynu si wadaji ah ula shaqayno si aynu u gaarno horumarka aynu tiigsanayno).

waxaa isna so istaagay gudoomiyaha la doortay waxaana hadaladiisi ka mid ah (ilaah baa mahad leh doorashadii si hufan bay ku dhacday ardaydii codeeyey oo dhan wan u mahadcelin iyo gudiga doorashada, waxaan nasiib uyeeshay caawa inaan qabto xilkiii ururka ardayda runtii masuuliyad weyn baa i saaran waxaana ka codsan dhalinta rer puntland inay si wadajir iila shaqeeyaan si ay hawluhu u fududaan waxaana idinku baaqayaa midnimo inaad ka shaqaysaan wada socoshadiina si aynu guul u gaarno ,aniga waxaa ii qorshaysan waxyaalo badan oo wax tar uleh ardayda waxaana dhawaan so magacaabayaa xukuumad tayo leh kana so bixi karta hawlaha loo idmay insha allahu ururkan wu si shaqayn ururada kalena xiriir weyn baanu la samayn dalkii iyo wadamada qurbaha oo ay ardayda reer puntland ina ka joogta).

isku so wada xoori waxaa la so gaaray guntii iyo gabagabadii munaasabada waxayna ku so idlaatay jawi aad u sareeya iyado laga dareemayay dhalinta farxad iyo raynrayn iyago ku faraxsan siday ay ardadu u qabsadeen doorasho aan horay loo arag taasoo ka muuqatay hufnaan iyo cadaalad. wuxuuna xiriiiriyaha xaflada mudane isbaandhays iclaamiyey in ay dhici doonto 7 july xaflad kale oo aad u balaaran taas oo ah xilwareejin iyo so dhawayn gudoomiyaha cusub wuxuuna sheegay in ay noqon doonto mid damaashaad oo ay ka so qayb gali doonaan dhamaan dadka ku hadla af hooyo.

Aniso Puntland
Malaysia, http://daljir.com/

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com