Ukrain oo u baroor diiqaysa dadkii lagu dilay Iran

Ukrain oo u baroor diiqaysa dadkii lagu dilay Iran

Diyaarad siday meydadka 11 qof oo u dhashay Ukrain ayaa ka degtay garoonka diyaaradaha ee Boryspil oo dhinaca Bari ka xiga caasimadda Kyiv ee wadanka Ukrain, si loogu baroor diiqo.

Dadkaasi ayaa ka mid ahaa 176 qof oo ku dhintay diyaaraddii Iran soo riday.

Garoonka waxaa soo buux dhaafiyey ehelada dadka, kuwaasi oo gacanta ku sitay ubaxyo, isla markaana ilmeynayey.

Naxashka meydadka ayaa la suray calanka wadanka Ukrain.

Maalinta berri ah oo Isniin ah ayaa lagu wadaa in dadkaasi loo sameeyo baroor diiq, waxaana lagu wadaa in uu ka soo qeyb galo madaxweynaha Ukrain Volodymyr Zelenskyy.
Diiwaanka wararka.
Radio Daljir.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com