HomeUncategorized

Ugu yaraan 4 carruur ah ayaa xanuunka Jadeecada ugu dhintay Baardheere, Gedo.

Ugu yaraan 4 carruur ah ayaa xanuunka Jadeecada ugu dhintay degaanno ka mid ah degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

Madaxweyne Xassan sheikh oo ku baaqay in shirka Jubbaland iyo federaalka lagu dhameeyo dalka
Kulan looga hadlayo dimuqraadiyadda Puntland oo lagu qabtay Bossaso.
DHEGEYSO-Barnaamijkii Kulanka Haweenka Xarunta Garoowe 07 07 2016.

Baardheere, May 25 – Ugu yaraan 4 carruur ah ayaa xanuunka Jadeecada ugu dhintay degaanno ka mid ah degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

Carruuraha u dhintay xanuunkan ka sokow, tiro badan oo kale oo carruur ah ayaa imika la liita xanuunkan, waxana in ka mid ah la geeyey xarumo caafimaad oo si gaar ah loo leeyahay, halka carruuro badan oo kalena lagu hayo guryaha.

Cabdi Khadar, wariye madax bannaan oo jooga magaalada Baardheere ayaa Daljir u sheegey in ay jiraan degaanno hor leh oo ka tirsan degmooyinka kale ee gobolkaas oo uu xanuunkani ka dillaacay.

Jadeecada ayaa badiyaa ka dillaaca degaanno ka mid ah gobolka Gedo xilli roobaadada, waxana imika halkaas ku yar adeegyada caafimaadka, tiiyoo colaadduna ay ka aloosantahay.

Adam Shardi Axmed
Radio Daljir

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: