Todobaadkan iyo halganka SSC-Khaatumo iyo xoreynta degaanada maqan

HomeWararkaSiyaasadda & Dhaqaalaha

Todobaadkan iyo halganka SSC-Khaatumo iyo xoreynta degaanada maqan

Olole xooggan oo diyaargarow dagaal ayaa todobaadkan ka soconaya guud ahaan gobolka Sool, iyadoo degaanada Guumeys oo 90Km dhinaca waqooyi Laascaanood

Dhaqaalaha Soomaliya iyo nolosha Soomaalida dartood madaxda Soomaaliya maxaa la gudboon si looga tabaabusheysto dagaalka soo fooleh ee Iran & USA? (wareysi & falaanqeyn)
WARARKII UGU DANBEEYEY EE WASAARADDA GAASHAANDHIGGA ITOOBIYA IYO DUULLAANKA QORSHEYSAN EE SAYLAC
Labada Madaxweyne Kuxigeen ee Puntland iyo Galmudug oo la Hadlay Waxgaradka Gaalkacyo (dhegayso)

Olole xooggan oo diyaargarow dagaal ayaa todobaadkan ka soconaya guud ahaan gobolka Sool, iyadoo degaanada Guumeys oo 90Km dhinaca waqooyi Laascaanood kaga beegan laga soo tebinayo in gaadiid, hub iyo ciidanba maalmahan lagu soo daadguranayey xeryaha ciidamada Somaliland.

Dhinaca dadka degaanka ayaa iyaguna qorshaynaya sidii ay ciidamada Somaliland ee magaalada weerarka ku soo ah uga hortagi lahayeen, laakiin la sheegay in ay sugayaan oo kaliya muddadii loo qabtay Somaliland in ay degaanka uga baxdo oo maalmo hadda ka dhimanyihiin, sida ay Daljir u sheegeen masuuliyiin ciidamada difaaca degaanka kamid ah.

Iskuday duullaan ah oo ciidanka Somaliland ku soo qaadeen degaanka bari ee Oodagooye ayaa dib loogu celiyey goobohoodii, iyadoo Sabtidan maanta ah uu kii u danbeeyey dhacay. Qasaaraha ayaa la sheegay in uu ku koobanyahay dhaawacyo fudud, sida ay noo sheegeen bahda caafimaadka Laascaanood.

XUSKA 26 JUUN

Xuska maalintii xoriyadda laga qaatay gumeystihii Ingiriiska oo ku aadan 26ka bisha Juun ee maalmuhu ka dhimanyihiin ayaa ka socda magaalooyinka SSC-Khaatumo, siiba magaalada Laascaanood. Dawladda Hoose ee Laascaanood ayaa laga taagey dhammaan calamada maamul goboleedyada dalka iyo calanka Soomaaliya oo badhtanka ugu jira, waxaana ay maamulku sheegeen in tani ka turjimayso midnimada umadda Soomaaliyeed. “Tani waa mid aan ugu talagalay inaan ku muujino in magaaladan ay tahay mid ay u simanyihiin cid kasta oo aaminsan midnimada ummadda Soomaliyeed,” sidaa waxaa yidhi Cabdikariin Dubbad Boos, xoghayaha Dawlada Hoose, isagoo intaas raaciyey muhiimada ay leedahay munaasabadda xuska 26ka Juun.

CABDIRISAAQ KHALIIF

Guddoomiyihii Baarlamaanka Somaliland ee xilka iska naqay oo duhur ka dhaqaaqay Somaliland, qodaxdana kaga tegey ayaa haatan hadalhaynta bulshada ka sokow ay bulshadu ugu hadaaqayaan hoggaamiyaha ruuxiga ah, waxa uuna wadaa hawlgalo uu halganka ku sii xoojinayo.

Cabdirisaaq Khaliif oo maalmahan ku sugnaa magaalada Garoowe ee caasimada Puntland ayaa kulamo la qaatay madaxda oo ay ugu horreeyaan Madaxweynaha iyo Kuxigeenkiisu. Ka sokow hawlaha siyaasadeed ee SSC-Khaatumo ee uu halkaas ka wado, iskuday xal u helka khilaaf siyaasadeedka Puntland oo halkaas ka jira ayaa la sheegayaa in uu xallinteeda rajo weyn ka qabo.

Su’aalo dhawr ah ayaa ka taagan halka uu Cabdirisaaq Khaliif kaga beegmi doono maamulka degaanada SSC oo dhowaan 45 xubnood loo xulay, welise xilwareejintii ay dhawr jeer dib-u-dhacday, waxaa se warar xanshashaq ahi sheegayaan in Cabdirisaaq lagu darayo si uu u noqdo hoggaanka SSC, balse isagu uu ka cagajiidayo.

XUDDUN

Duqii degmada Xuddun Maxamed Jaamac Xirsi, oo muddooyinkii xiisadaha colaadeed ka jireen Gobolka Sool ku sugnaa Hargeysa, ayaa ka jawaabey go’aankii ay soo saareen guddiga 33da oo sheegayey in ciddii Somaliland ka soo bixi weyda illaa dhamaadka bishan aanay jiri doonin wax cafis ah oo loo fidin doono, ayna la mid noqonayaan kuwa lala dagaalamayo. Degaanka Lafweyne oo galbeed kaga aadan magaalada Xuddun oo ay ku suganyihiin ciidamo beeleed aad u abaabulan ayaa Duq Maxamed Jaamac Xirsi halkaas ku soodhaweeyey, iyadoo loo sii gudbiyey dhinaca magaalada Xuddun.

LADAGAALANKA MAANDOORIYAHA

Dadaal lagu doonayo in wax lagaga qabto maandooriyaha khamriga oo noqday aafada ugu culus ee ka jirta magaalada Laascaanood ayaa waxgaradka qaarkood go’aan ku gaadheen in ay qabqabtaan dhammaan ciddii lug ku yeelata kaganacsiga khamriga. Saddex qof ayaa ku dhintay magaalada todobaadkii aan soo dhaafnay oo ay sababeen dad sikhraansan oo rasaas si qaldan u furay, halka afar kalena oo laba dumar yihiin waxyeelo ka soo gaadheen. Dambiilayaashi falka geystay ayaa la soo qabqabtay, waana ay xidhanyihiin ayaga oo xukun sugayaal. Kudhawaad 20 ragga falalkaas ku dhexjira ayaa booliska iyo beelaha ay ka soojeedaan si wadajir ah u soo qabteen, isla markiina loo dhaadhiciyey dhinaca magaalada Garoowe, halka qaarna la dhaawacay kaddib markii ay xabbad ku jawaabeen.

Ololaha cidhibtirka maandooriyaha khamriga ayaa xawli uga socda Laascaanood, wararkii ugu danbeeyey ee aan booliska ka helney ayaana tibaaxayaan in badi raggii ka ganacsanjiray maandooriyaha ay u carareen dhinaca Itoobiya iyo degaanada miyiga. Waana sababta habeenkii xalay aan loo arag raadkooda, loona maqal sharqantooda.

Magaalada Laascaanood oo dadka ku sugan 90% in ka badan ay hubaysanyihiin ayaa adkaatay wax ka qabashada kooxahan, balse dhibka ay geysanayaan ayaa noqday mid aan loo dulqaadan karin, waana tan sababtay in isbahaysi cadow u ah uu dhismo oo la shaqeeya booliska magaalada.

Diiwaanka wararka | Daljir Media


Asbuucii hore

Todobaadkan & halganka SSC-Khaatumo iyo degaanada oo xasilloon

 

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: