Todobaadkan & halganka SSC-Khaatumo iyo degaanada oo xasilloon

HomeWararkaSiyaasadda & Dhaqaalaha

Todobaadkan & halganka SSC-Khaatumo iyo degaanada oo xasilloon

Qaar dhallinta Ciidamada Difaaca SSC-Khaatumo oo u fadhida imtixaanka shahaadiga sannad dugsiyeedka 2022-2023 ee dugsiyada sare ee Puntland Todobaadk

RW Kheyre, UAE iyo Badaha Soomaaliya: Heshiiska Dekedda Berbera DFS qayb kama aha, lagalama hadlin … (dhegayso)
Laascaanood, xuska 1da Luulyo iyo todobaadkan & halganka SSC-Khaatumo
Aqoonyahan Dr. Ali Darwiish oo aan ka waraysanay xaaladda gobalka Sool

Qaar dhallinta Ciidamada Difaaca SSC-Khaatumo oo u fadhida imtixaanka shahaadiga sannad dugsiyeedka 2022-2023 ee dugsiyada sare ee Puntland

Todobaadkan guud ahaan degaanada SSC ayaa waxaa uu ahaa mid aan wax dagaal ahi ka dhicin marka laga reebo rasaas laga maqlo jiidaha ciidamadu isku horfadhiyaan. Suuqyada magaalada waxaad mooddaa in ay soo camirmayaan oo meelaha waddooyinka muhiimka saaran ayaa maalinba mid ku soo biirayaa.

Imaanshaha abaanduulahii soo goostay ee ciidamada Somaliland Sarreeye Gaas Saleebaan Barre Geesood ayaa noqotoy mid xiiso u yeelata degaanka SSC, lana filayo in hoggaanka ciidamada difaaca SSC ay ka helaan xogo wax uga tara dagaalka ay kula jiraan Somaliland. Saraakiil dhawra oo aan masuulkan kala sheekaysanay ayaa waxa ay sheegeen in uu yahay shaqsi si aad ah ugu dhuundalooley guud ahaan xogta ciidamada Somaliland, taasina ay tahay baahida ugu muhiimsan in la helo xogta ciidanka. Janankan oo maalmihii dagaaladu ka bilaabmeen magaalada Laascaanood ku sugnaa halka magaceedu caanka noqday ee Goojacadde ayaa muddo kaddib ka tegey, asaga oo gaadhey Jigjiga, muddo kooban kabacdina ku soo kala jiireeyey Buuhoodle.

Sidoo kale ciidamo ka tirsanaa saldhiga todobaad ee Somaliland ayaa soo gaadhey magaalada Laascaanood, waxayna sheegeen in dhammaan dadka degaanada SSC ka soojeeda ee haatan ku sugan Tuulo Samakaab ay raadinayaan sidii ay kaga soo bixi lahaayeen xeryaha ciidamada Somaliland.

Dhinaca kale, degaano badan oo kamid ah Gobolka Sool waxaa ka bilaabmay imtixaanka Shahaadiga ah oo ay qaadayso Wasaarada Waxbarashada Puntland. Waxyaabaha aad xiisaha u yeeshay ayaa ah in ay imtixaanka u fadhiisteen arday lebisan dirayska ciidanka, waxaaney sheegeen in ay imtixaankana u diyaargaroobayeen, dagaalkana ku jireen. Tiro aad u badan oo kamid ahaa ardayda imtixaankan u fadhiisan lahaa ayaa dagaalka ku dhintay, qaarna dhaawac ayey u jifaan, Wasaarada Waxbarashada oo aan la xiriirneyna waxay noo sheegeen in ay ka warhayaan ardeyna dhaawaca u jiifta, la ogyahay, xaalkoodana lala socdo.

GOLAHA AMMAANKA QARAMADA MIDOOBAY

Golaha Ammaanka QM qoraal ka soo baxay ayaa noqday midkii ugu muhiimsanaa ee muddooyinkii u danbeeyey ay dadka reer SSC maqlaan, iyadoo madaxda dhaqanka SSC-Khaatumo oo ah golaha u sarreeya ay sheegeen in ay soodhowaynayaan, diyaarna u yihiin fulintiisa.

In kasta oo qoraalka Golaha Ammaanku laf dhuun gashay uu Somaliland ku yahay, haddana adkaysi aan nafi ku heelanayn ayey qaybo kamid ah diideen iyagoo yidhi, “Qaramada Midoobey waa loo sheeko xumeeyey,” taas oo ay uga jeedeen in aan ciidankoodu magaalada ku jirin, ayna 26 Abril magaalada kala bexeen. Laakiin xaqiiqadu tahay in aysan Somaliland ciidan Laascaano kala bixin ee xoog looga saaray, haddana Golaha Ammaanku u raaciyey in ay ka baxaan inta ay gobolka uga sii jiraan.

Si saxa looma garanayo tabta u qarsoon Golaha Ammaanka QM, balse Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo u hadlay Isimada SSC waxa uu si kalsooni ku dheehantahay u sheegay in ay todoba maalmood oo qura Somaliland u qabanayaan in ay ciidankeeda gobolka kala baxdo, haddii ay kala bixi weydo waqtigaasna xoog looga saarayo.

MADAX-DHAQAMEEDKA MUQDISHO

Kulankii u danbeeyey ayey Isimada SSC la yeesheen Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha oo muddo saacado badan oo habeenimadii Arbacada ahayd ay saq dhexe isla gaadheen. Isimada SSC ma ay sheegin wax la isla meeldhigay, balse in ay guul ku soo dhamaatay oo isfahan buuxa ka gaadheen ismaandhaafyo lagu kala fiiro duwanaana ayey Isimadu sheegeen.

Sida ay Daljir warar hoose ku heshay, Isimada SSC ayaa la filayaa in asbuucaan maalmaha u horreeya, siiba berri oo Axad ah ama Isniin, ay ku soo wajahanyihiin Laascaano.

Diiwaanka Wararka Daljir | Wariyayaasha Daljir ee Muqdisho, Laascaanood & Garoowe

FG: Mawduucaan “Todobaadkan iyo halganka SSC-Khaatumo iyo xasiloonida deegaanada la xoreeyey” waa joogto, waana asbuuc walba. Fadlan nala wadaag wacaal iyo falcelisba.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: