Tiro ka mid Shaqaalaha Qaramada Midoobay ee Puntland oo Maanta lagu Dilay Weerar Qarax

Isniin, Abriil 20, 2015 (Daljir) — Ugu yaraan toddobo qof ayaa ku geeriyooday tiro intaa ka bandanna waa ay ku dhaawacmeen  qarax saaka aroorti hore lala beegsaday gaari bus ah oo siday shaqaale ka tirsanaa hay’adda UNICEF.

Dad goob-joogayaal ah ayaa xaqiijiyay in shan ka mid ah dadka geeriyooday ay ahayeen ajaanib ay ku jiraan kuwa u dhashay Kenya,waxaana dadka geeriyooday ku jira laba ruux oo Soomaali ah oo ka shaqaynayay xafiiska UNICEF ee Garowe.

Waxaa qaraxan oo ka dhacay agagaarka Hotel Rugsan oo ku dhow xafiiiska Qaramada Midoobay ee Garowe laga dareemay qaybo kamid ah magaalada, waxaana intaa ka dib la maqlayay rasaas ay ridayeen ilaalada xafiiska.

“Todobo qof ayaan indhahayga ku arkay dhamaantoodna waxa ay ahayaan dadkii baska saarnaa ,wey adkayd in la aqoonsado wajiyadooda,“ ayuu yiri goob-jooge dalbaday in magaciisa aan la isticmaalin.

Ciidamada amniga degmada Garowe ayaa wax yar uun kaddib qaraxa soo gaaray goobta, waxaana ay xireen dhamaan jidadka soo gala wadada uu qaraxu ka dhacay ,mana jirto ilaa iyo hadda cid si rasmi ah uga hadashay weerarkan.

Ugu danbayn,magaalada Garowe ayaa sanadihii la soo dhaafay ahayd magaalo ka xasiloon qaybaha kale ee Puntland ,waxaana weerarkan oo ahaa mid baska loogu xiray shaqaalaha uu ku soo beegmayaa, xilli Puntland ay dagaal kula jirto ururka Al-shabaab oo saldhigyo ku leh buuraha Gal-gala.

 

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com