Dowladda Puntland oo ka warbixisay Qaraxii lala eegtay Shaqaalaha UN-ka

Isniin, Abriil 20, 2015 (Daljir) — Taliyaha qaybta booliska gobolka Nugaal, Axmed C/llaahi Samatar (Layli ) oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garowe ayaa ka warbixiyay qarax uu ku sheegay in uu ahaa ismiidaamin ,kaasi oo lagu dilay tiro dad ah oo ka tirsanaa xafiiska hay’adda UNICEF ee magaalada Garowe.

Waxaa taliyahu uu si rasmi ah u caddeeyay in tirada ku geeriyootay qaraxan ay gaarayso todobo qof oo uu ku jiro qofkii qaraxa ka danbeeyay ,waxaana uu tilmaamay in afar kamid ah dadka ku geeriyooday weerarkan ay ahaayeen ajnabi iyo seddex Soomaali.

Sidoo kale taliyaha ayaa sheegay in tirada dhaawaca ah ay gaarayso todobo ruux oo shan kamid ah ay Soomaali yihiin ,iyadoo labada ruux ee kalena ay ahaayeen ajnabi ,lamana oga cida sida rasmiga ah uga danbaysa weerarkan.

Axmed Cabdulaahi Samatar (Layli )  ayaa sheegay in ruuxa is qarxiyay uu saarnaa gaariga ,waxaana taliyaha uu ka gaabsaday in ruuxaan is qarxiyay uu ka tirsana hay’adda shaqaalaheeda iyo in kale.

Dadka ku dhaawacmay weerarkan ayaa loola cararay isbitalka weyn, waxaana laga cabsi qabaa in tirada dhimashada ay intaa ka sii badato, waxaana wali gudaha magaalada Garowe ka socda baaritaanno dheeri ah oo la xiriira sida uu dhacay qaraxan.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com