Tartan & Tacliin – dugsiyada sare ee Hawd, Buuhoodle & Al-nawawi, Bossaso oo tartan adagi uu dhex maray.

Garowe, Sept 01 – Barnaamijka Tartan & Tacliin ee ay ku tartamaan dugsiyada sare ee Puntland ayaa waxaa xalay isku haleelay 2-da iskuul ee Hawd, Buuhoodle, iyo Al-nawawi, Bossaso.

Tartan kulul dabadeed, waxaa ay guushu ku raacday dugsiga sare ee Al-nawawi, Bossaso oo dhaliyey 14 dhibcood, una gudbay wareega finaalaha ee barnaamijka Tartan & Tacliin.

Dugsiga sare ee Hawd, Buuhoodle ayaa ka jawaabay 4 su’aalood oo ka mid ah 8-dii su’aalood ee la weydiiyey, sidaana ku mutaystay 8 dhibcood, aanse ka faa’iidaysan wax su’aalo ah;

Dugsiga sare ee Al-nawawi, Bossaso ayaa ka jawaabay 6 su’aalood oo ka mid ah 8-dii su’aalood ee la weydiiyey, mutaysatayna 12 dhibcood, kana faa’iidaystay 2 su’aalood, sidaasna ku helay 14 dhibcood, guushuna ay sidaa ku raacday.

Halkan ka dhegayso barnaamijka – [Dhegaysi …]

Diiwaanka Wararka,
Idadacada Daljir.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com