Taraafikada gobolka Banaadir oo Biro iyo dhagxaan ka aruuriyey Jidadka waa weyn ee Muqdisho

Muqdisho, September 1, 2013 – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, ?waxaa howgalo ka wadda ciidamada jidadka ee magaaladaas, xili ay jiraan caqabado badan oo hortaagan isu-socodka gaadiidka.

Hay?adaha Taraafikada gobolka Banaadir ayaa maanta bilaabay qaadista biro waa weyn oo lagu xanibay isu-socodka jidka loo maro garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho, sidoo kale waxaa jira dhagxaan waa weyn oo iyana waddada la dhigay.

Taliyaha ciidamada Taraafikada gobolka Banaadir Cali Xirsi Barre (Cali Gaab) ayaa sheegay in howgalkaas uu si dar dar leh u socdo, isla markaasna ay uga hortegayaan dhibaatooyinka gaadiidka la soo dersa.

Dhagxaanta waa weyn ee la dhigay jidadka garoonka Muqdisho ayaa waxaa sameeyey dad shacab ah, waxaana hay?adaha Taraafikada ay ku tilmaameen mid khalad ku ah rakaabka iyo gaadiidka, isla markaasna hada kadib laga hortegi doono.

Arritan ayaa timid kadib markii ay Qaraxyo waa weyn ka dheceen Muqdisho, kuwaas oo dadka rayidka ah wax yeelo ka soo gaartay, waxaana inta badan meelaha qaraxyada la dhigo ka mid ah jidka Garoonka diyaaradaha.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com