Baarlamanka Puntland oo ka digay in khal-khaliyo shirka dib u heshiisiinta Taleex (Maqal+Sawirro)

Garoowe, Augusut 31, 2013 – Qaar ka mid ah xilibaanada Baarlamanka Puntland ee ka soo jeeda gobolka Sool ayaa amaanay safarka Madaxweyne ku xigeenka ee degmada Taleex, waxayna ku baaqeen nabad iyo xasilooni.

Xilibaan Aadan Xaaji Xuseen oo ka mid ah Baarlamanka Puntland oo maanta shir jaraa?id ku qabtay Garoowe, ayaa dhaleecayn u jeediyey qul-qulatooyin lala damacsan yahay shirka dib u heshiisiinta ee Taleex iyo safarka Madaxweyne ku xigeenka.

Wuxuu sheegay in ay jiraan abaabulo ciidan oo ka socda degmada Boocame iyo deegaano kale oo hoosataga gobolka Sool, arrintaas ayuu ku tilmaamay mid lagu doonayo in lagu rabshadeeyo safarka madaxweyne ku xigeenka Puntland.

? Qorshahan waxaa wadda rag doonaya in uusan hir-gelin shir dib u heshiisiin ah oo ka dhacaya Taleex, kaas oo qeyb ka ah safarka madaxweynaha? ayuu yiri Xilibaan Aadan Xaaji

Ugu dambeyntii wuxuu xilibaanku amaanay safarka Madaxweyne ku xigeenka Puntland Gen. Cabdisamad Cali shire iyo wefdiga la socda, wuxuu kaloo guul ku tilmaamay shir dib u heshiisiin ah oo galabta ka bilaabaya magaalada Taleex ee gobolka Sool.

?

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

\"\"

\"\"

DHEGEYSO: Shir jaraa?id oo uu hoolka Baarlamanka Garoowe ku qabtay Xilibaan Aadan Xaaji

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com