HomeUncategorized

Taliyaha ciidamada taraafikada Somaliland ee gobolka Sool oo galabta lagu toogtay Laascaanod; maxaabiis xabsiga la dhigay.

Laascaanood, April 30 - Waxaa galabta goor gaaban lagu toogtay magaalada Laascaano taliyihii ciidanka taraafikada Somaliland ee gobolka Sool Aadan Ax

Gudd. gobolka Mudug oo ka dayriyey amniga gobolka, kana digay dilalka qorshaysan.
Isbitaalada Puntland oo Dawooyin loo Qaybiyay
Madaxweynaha Puntland oo la Hadlay Bulshada Columbus, OHIO

Laascaanood, April 30 – Waxaa galabta goor gaaban lagu toogtay magaalada Laascaano taliyihii ciidanka taraafikada Somaliland ee gobolka Sool Aadan Axmed Xaaji Ibraahim. Falkaan ayaa dhacay kadib markii markii rag hubaysani ay ku weerareen gurigiisa oo ku yaalla magaaladaas.

Warar is khilaafsan ayaa ka soo baxa shilkaan, waxaana wararka qaar sheegayaan inuu taliyuhu dhaawac halis ah qabo halka qaarna sheegayaan inuu dhintay. Waa mas?uulkii labaad oo ka tirsan saraakiisha ciidamada Somaliland ee gobolka Sool oo la toogto muddo 24 saac gudahood ah.

Waxaa xalay weerar kaas la mid lagu dhaawacay taliye ku xigeenkii ciidanka birmadka Somaliland ee gobolka Sool Jamac Muuse oo dhaawaciisa loo qaaday magaalada Hargeysa.

Dhinaca kale, ciidamada bileyska Somaliland ee goblka Sool ayaa maanta (Sabti) xabsiga dhigay labo wariye oo ka mid ahaa saxafiyiinta ka hawlgala magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, waxaana labada wariyaba ay hadda ku jiraan saldhig ku yaalla magaaladaasi.

Inkastoo oo uusan jirin war ku saabsan dhacdadan oo ka soo baxay maamulka gobolkaasi haddana warar madax banaan oo ay heshay idaacadda Daljir ayaa sheegaya in saxafiyiinta loo haysato war la xiriira mucaawino maamulka Puntalnd uu geeyey deegaanno ka mid ah gobolkaas oo saxafiyiintu ay baahiyeen.

Axmed Sh. Maxamed ?Tallman?
Radio Daljir

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: