Taliye ku xigeenka ciidanka birmadka Somaliland ee gobolka Sool oo si halis ah loo dhaawacay.

Laascaanood, Apr, 29 – Taliye ku xigeenka ciidanka Birmadka ee gobolka Sool Jamac Muuse ayaa dhaawac halis ah la gaarsiiyey ka dib markii caawa (Jimce) rag hubaysani ay bastooladu ku warareen, isagoo ka soo baxay masjid ku yaalla magaalada Laascaanood.

Sida ay Daljir u sheegeen dad goob joogayaal ah waxaa taliye ku xigeenka ku dhacay dhawr xabadood oo qaar kood ay madaxa uga dheceen, waxaana sidoo kale dhaawacmay hal qof.

Dhaawaca sarkaalka ayaa loo cararay magaalada Hargaysa ee xarunta maamulka Somaliland si loo dabiibo, mano jirto cid ka tirsan maamulka gobolka Sool oo arrintaasi ka hadalay.

Guddoomiyaha gobolka Sool ayaa isna dhawaan ka badbaaday shirqool lala damacsanaa in lagu qaarajiyo, kaasi loo adeegsaday qarax lala eegtay gaarigiisa, mana jirto cid loo qabtay qaraasi iyo ka horreeyeyba.

Axmed Sh. Maxamed ?Tallman?
Radio Daljir

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com