HomeUncategorized

Tahriibayaal ay Somali ku jiraan oo ku Geeriyooday xeebaha Egypt

Talaado, May 26, 2015 (Daljir) — Ilaaladda Xeebaha ee dalka Masar ayaa sheegay inay soo saareen maydadka shan qof oo Tahriibayaal ah, kuwaasi oo la socday dooni ku qalibantay Xeebta Degmadda Kafaral-sheekh ee Waqooyiga dalka Masar.Dadka ku geeriyooday shilkaasi ayaa la ssheegay inay ku jireen dhowr Somali ah, kuwaasi oo qeyb ka ahaa Tahriibayaal la socotay dooni ku sii jeeday Xeebaha dalka Talyaaniga.

Waxgaradka Puntland ee gobolka Mudug oo ku dhawaaqay gudi wada xaajood.
Madaxweyne Xasan Oo Cambaareeyay Qaraxii B/weyne
Sanad guuradii 50’aad ee aasaaskii ururka Midowga Afrika oo lagu qabtay Muqdisho

Talaado, May 26, 2015 (Daljir) — Ilaaladda Xeebaha ee dalka Masar ayaa sheegay inay soo saareen maydadka shan qof oo Tahriibayaal ah, kuwaasi oo la  socday dooni ku qalibantay Xeebta Degmadda Kafaral-sheekh ee Waqooyiga dalka Masar.Dadka ku geeriyooday shilkaasi ayaa la ssheegay inay ku jireen dhowr Somali ah, kuwaasi oo qeyb ka ahaa Tahriibayaal la socotay dooni ku sii jeeday Xeebaha dalka Talyaaniga.

Wargeyska Yoom Sabca ayaa qoray inay dadka deggan Deegaanka Burulluus ayaa arkeen maydad ku soo caariyey Xeebta, kadibna ay u yeereen Boliska iyo Ilaaladda Xeebaha.Maydadkaasi ayaa la sheegay in loo gudbiyey Isbitaalka Dhexe ee Balateem.Dhinaca kale, Boliska waxay xireen 20 qof oo la rumeysan yahay inay ka badbaadeen doonida qalibantay, waxayna Boliska bilaabeen inay raadiyaan Mukhalasiintii ka dambeysay shilkaasi.

Bilowgii bishan, 31 Tahriibayaal ah ayaa lagu xiray Xeebta Degmadda Bexayra oo ku dhow Badda Mediterraneanka, kadib, markii ay la qalibantay doonidii ay la socdeen.Tahriibayaal u kala dhashay Somali, Sudan iyo Masar ayaa had iyo jeer ka tahriiba Xeebaha Masar, si ay u gaaraan Jesiiradda Lampedusa ee dalka Talyaaniga.

Dowladda Masar ayaa diyaarinayso Sharci looga hortagayo Tahriibka iyo Tahriibayaasha, iyadoo qof kasta oo lagu qabto Tahriibka uu muteysan odono xabsi u dhexeeya 10 ilaa 20-sanno oo xabsi ah.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: