HomeUncategorized

Al-Shabab oo sheegatay dilka 20 Askari oo Kenyaan ah

Talaado, May 26, 2015 (Daljir) —Afhayeenka dhinaca Hawlgalladda ee Xarakadda Alshabaab, Sheekh C/casiis Abu Muscab ayaa sheegay inay 25 Sarkaal oo ka tirsan Boliska Kenya ku dileen Tuulladda Yumbis oo dhinaca Waqooyi kaga toosan Degmadda Garissa ee W/bari ee dalka Kenya.

DHAGAYSO: Barnaamijkii Saaka iyo Dunida _Khamis_08
DHEGEYSO-Yusra Abraar oo kahadashay musuq-maasuqa Soomaaliya.
Tortadii Ugu Dheerayd Uguna Cuslayd Adduunka oo Lagu Sameeyey Mexico (Sawirro)

Talaado, May 26, 2015 (Daljir) —Afhayeenka dhinaca Hawlgalladda ee Xarakadda Alshabaab, Sheekh C/casiis Abu Muscab ayaa sheegay inay 25 Sarkaal oo  ka tirsan Boliska Kenya ku dileen Tuulladda Yumbis oo  dhinaca Waqooyi kaga toosan Degmadda Garissa ee W/bari ee dalka Kenya.

Afhayeenka ayaa maanta sheegay inay 20 Sarkaal dileen, kadib, markii ay Dagaalyahannadda Alshabaab xalay jidka u galeen Kolonyo gaadiid oo ay Saraakiishaasi la socdeen oo marayey Tuulladda Yumbis oo 70-Km dhinaca Waqooyi kaga toosan Degmadda Garissa.

“Waxaan qaadanay hubkooda oo dhan. Waxaa jira inay qaar ka mid ah Askarta Kenya ka baxsadeen weerarkaasi jidgalka” ayuu yiri Afhayeenka oo intaasi ku daray inay gubeen shan gaari oo ay Boliska Kenya leeyihiin.

Dhinaca kale, Afhayeenka dhinaca Hawlgalladda ee Xarakadda Alshabaab, Sheekh C/casiis Abu Muscab waxa uu tilmaamay inay warax miino ku dileen  Afar Sarkaal oo ka tirsan Boliska Kenya.

Weriyaha Telefishinka Aljazeera ee dalka Kenya, Mohamed Addow ayaa sheegay inay Boliska Garissa u xaqiijiyeen in 20 Sarkaal oo Kenyaati ah lagu diley weerarka ay Dagaalyahanandda Alshabaab fuliyeen.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: