Soomaalida Canada oo go?aan midaysan ka qaatay falalka Al-shabaab ay ka wadaan barriga Afrika

Toronto, October 4, 2013 – Magaalada Toronto ee dalka Canada waxaa ka dhacay kulan u qabtay raadiyaha Ogaal, kaas oo ay ka qayb-galeen dhalinyarada Soomaalida ee dalkaas oo aad uga dooday falalka amni daro ee Soomaaliya iyo weerarada Al-shabaab ee gobolka.

Kulanka Raadiyaha oo ay ka qayb-galeen ilaa 100 dhalinyaro u badan, oo ka mid ah bulshada Soomaalida ee Canada ayaa lagu sheegay in ururka Al-shabaab ay mudan yihiin in gebi ahaanba dalka laga saaro si guul nabadeed loo gaaro.

Shirka ka dhacay magaalada Toronto ee dalka Canada ayaa lagu sheegay in muhiimada ay ahay in go?aan midaysan laga qaato falalka Argagixisada ee Al-shabaab ay ka fulinayaan dalalka ay Soomaalidu joogto iyo isla gudaha Soomaaliya.

Soomaalida ku dhaqan dalka Canada gaar ahaan magaalada Toronto waxaa ay si isku mid ah u canbaareeyeen weerarkii Westgate ee ururka Al-shabaab ay fuliyeen, kaas oo ay ku dhinteen dad badan oo ajinebi ah isla markaasna khalkhal geliyey amniga Soomaalida Kenya.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com