Sheikh caan ah iyo afar kale oo maanta lagu dilay magaalada Mombasa ee Kenya iyo howl-gal socda

Mombasa, October 4, 2013 – Magaalada Mombasa ee dalka Kenya waxaa goor barqadii maanta ah lagu dilay 4 ruux oo dadka magaalada ah, waxaana dilka geystay kooxo hubaysan oo aan la aqoon haybtooda balse goobta ka baxsaday.

Dadka maanta lagu laayey magaalada Mombasa ee dalka Kenya waxaa ku jiray wadaad caan ah oo ka mid ah muslimiinta Kenya, wadaadka ayaa lagu magcaabaa sheikh Ibraahim waxaana uu aad ugu dhowaa sheikh Cabuud Rogo oo sanad ka hor lagu dilay isla Mombasa.

Ciidamada amaanka ayaa baaritaano bilaabay balse ilaa hadda lama hayo xog rasmi ah oo muujinaysa in cid loo qabtay weerarka ka dhacay magaalada xeebta ah ee lagu laayey ilaa Afarta ruux ee uu sheikh Ibraahim ku jiro.

Wakaalada wararka ee AFP ayaa shaacisay in sheikh Ibraahim ismaacil iyo dadka la socday ay saarnaayeen baabuur xiligaas oo ay marayeen bartamaha Mombasa, ragga hubaysan ayaa si toos ah u weeraray baabuurka.

Sheikh Ibraahim Ismaaciil ayaa loo arkayey in uu bedelay sheikh Cabuud Rogo isagoo ka muxaadarayn jiray masaajidka Musa ee Mombasa, dilkii sheikh Cabuud Rogo ayaa muran badan ka dhex dhalisay muslimiinta iyo dowladda Kenya iyadoo ciidamada amaanka lagu eedeyey dilka sheikh Roogo.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com