Somaliland oo si baalmarsan xeerarkeeda xabsi ugu xukumay qoraa laga qoonsaday xafiiska Muuse Biixi

HomeWararkaSiyaasadda & Dhaqaalaha

Somaliland oo si baalmarsan xeerarkeeda xabsi ugu xukumay qoraa laga qoonsaday xafiiska Muuse Biixi

Maxkamadda magaalada Hargeysa ayaa goor hore oo saaka ah ku xununtay Cabdiraxmaan Ibraahim Aadan (Abees) xarig sannad iyo lix bilood ah, kaasoo ay max

Rehabilitation work for Garoowe General Hospital delayed due to COVID and not corruption
FAALO MUHIIM AH-Waa maxay Nidaamka Federalku?
Senataro Aqalka Sare ee Mareykanka oo qiray in Amiir Maxamed bin Salman uu amray dilka Khashoggi (Daawo)

Maxkamadda magaalada Hargeysa ayaa goor hore oo saaka ah ku xununtay Cabdiraxmaan Ibraahim Aadan (Abees) xarig sannad iyo lix bilood ah, kaasoo ay maxkamaddu ku sheegtay in caasi-waalidnimo uu ku mutaystay xabsiga intaas le’eg, iyadoo habeenkii xalay ahaana ay warbaahinta madaxa bannaan Hargeysa ugu sheegtay hooyadii oo lagu magacaabo Koos in aanay waxba ka jirin eedaha loo jeedinayo, isla markaana aabihii loo soo dhex maray, sida ay hadalka u dhigtay.

Maxkamadda saaka ayaan u ogollaan maxbuuska in loo qabto qareen, waxase arrinta la isweydiinayo ee su’aasha dhalisay ay tahay in maxkamaddu ay xukunkaas ay ku sababaysay caasi-waalidnimadu uu baalmarsanyahay qodobka 33-aad ee dastuurka Somaliland, kaasi oo u dhigan sidan.

Caburinta gaadhay halkii ugu sarraysay Somaliland, gaar ahaanna Hargeysa, ayaa sababtay in ay culimo qeexay siday uga soo horjeedaan in badda dalka taako ka mid ah lagu wareejiyo Itoobiya oo la isku dayay in ay sirdoonka leexsan qabtaan, waa Sheekh Mustafe Cumar, oo si adag kaga fakaday koox dhar cad ah oo baastoolado ku hubaysan uu haatan farriin ka soo diray meel ka baxsan Somaliland, isagoo naawilay inay mar uun wax isbeddeli doonaan, oo laga doogsan doono is-dirqinta dabata dheeraatay ee xukuumadda Muuse Biixi.

Guddoomiyaha telefishinka MM TV Maxamed Cabdi Sheekh (Ilig) ayaa isaguna markii labaad xabsiga weyn ee Hargeysa ku jira, iyadoo maanta uu halkaas ku 31 maalin jirsaday xariggiisu, saxafi kale ayaa isaguna ku xiran magaalada Berbera, Booramana cagajugleyn weyn ayaa loogu gaystay dad aragtidooda cabbiray, Ceerigaabo ayaa iyaduna odayaasheeda ka soo jeeda beesha Isaaq, gaar ahaan Habar Yoonis ay dhawaan ku gacan saydheen qorshayaal laga abaabulay xafiiska Col. Biixi oo looga gol lahaa in colaad beelaha gobolkaas wada dega lagu dhex dhigo.

Waa marxaladdii ugu adkayd ee xorriyadda fikirka iyo dhaqdhaqaaqa xornimada ka dhanka ah ee soo marta Somaliland muddo ka badan 30 sannadood.

Dadka ayaa isla dhex maraya oraah hadda caan ka sii dhex noqonaysa oo ah “AK qaado, afkaaga qabso ama orod dibadda aad.”

Dadka oddorsa arrimaha Somaliland ayaa sheegaya in ay u badantahay in dagaal sokeeye uu ka dhici doono gudaha degaanada maamulka, iyadoo caburinta, jirdilka, cagajugleynta, iyo awood isku sheegashadu ay isa sii laba-lixaadinayaan.

Diiwaanka wararka Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: