CABURIN, CAGO-JUGLEYN IYO XARIG DUL HEEHAABAYA HARGEYSA

HomeWararkaSiyaasadda & Dhaqaalaha

CABURIN, CAGO-JUGLEYN IYO XARIG DUL HEEHAABAYA HARGEYSA

Caburin xorriyadda hadalka ah tii ugu darnayd ayaa ka taagan degaannada Somaliland halkaas oo ay isku sii hiifayaan hoggaanka keligitaliska ah ee Muus

Abukar Arman: Yemen iyo Siyaasadda Ismiidaaminta ee Sacuudiga iyo Aamusnaanta Culimada Islaanka
Dhismaha Wadada Ceeldaahir iyo Ceerigaabo (sawirro)
Tartanka Badda Cas iyo Xeebaha Soomaaliya

Caburin xorriyadda hadalka ah tii ugu darnayd ayaa ka taagan degaannada Somaliland halkaas oo ay isku sii hiifayaan hoggaanka keligitaliska ah ee Muuse Biixi iyo shacabka oo marba marka ka danbaysa u sii arkaya hoggaamiye Biixi mid ay eedeen.

Qoraaga dhawaan buuggiisa Mayal ee sida wayn hadalhaynta uga dhex abuuray Hargeysa, Cabdiraxmaan Ibraahim Aadan oo loo yaqaan Abees, oo ay maanta boolisku qabteen isla markaana weli ku xiran saldhigga Ibraahim Koodbuur ee xaafadda Jigjigayar ayaa hadda ay soo baxayaan warar isa soo taraya oo xadhiggiisa ku saabsan.

Cabdiraxmaan Ibraahim Aadan (Abees) oo maalmo ka hor soo badhigay buug uu si faahfaahsan uga hadlayay awood-ku-takrifalka iyo kalitalisnimada ka jirta Somaliland ayaa aabaha dhalay oo saxaafadda kula hadlay saldhigga uu wiilkiisu ku xiranyahay saacaddo kaddib xariggiisa, waxana uu sheegey in aan wiilkiisa loo xirin arrimo la xiriira siyaasad iyo buuggiisa ee uu usoo xiray caasi-waalidnimo, balse hooyada dhashay qoraa Cabdiraxmaan oo magaceeda lagu soo koobay Koos isla markaana gudaha Hargeysa goor dhowayd saxaafadda kula hadashay ayaa sheegtay in wiilkeeda loo soo dhex maray aabihii taasoo ay ula jeeddo in maaddaama xukuumadda Biixi aanay haysan sifo sharci ah oo ay ku xidho qoraaga buuggaas, balse saacado kaddib ay xukuumaddu aabihii u dhiintay ereyo iidheh ah, waxaana ay Koos intaas raacisay in dhammaan eedeymaha uu aabihii u jeediyay wiilkooda aanay sal iyo raad lahayd, taasoo ay sabab u dhigtay in muddo afar bilood ah oo uu dalka joogay aan waxba lagu soo eedeyn balse markii uu soo badhigay buug ay mucaaradka Somaliland qaadaadhigeen, bandhiggiisa si wayn ay uga dhex muuqday kaasoo laga qoonsaday xafiiska Muuse Biixi.

Cabdiraxmaan Ibraahim Aadan (Abees) waxa ay jufo-reereed hoose wadaagaan Muuse Biixi, balse aragtidiisa ka duwan maamulka talada Hargeysa haya ayaa uu hore ugu soo mutay xabsiyo iyo xannibaado kala duwan.

Dhawaan ayay ahayd markii weriye ka tisan telefishin maxalli ah xabsiga loogu taxaabay magaalada Berbera, waxana isa soo taraya caburinta ka dhanka ah cid kasta oo xorriyadda hadalka la gole istaagta.

Hoggaanka Muuse Biixi ayaa tan iyo dabayaaqadii sannadkii tagay markii lagu jebiyay gobolka Sool, ku dhaqaaqay tallaabooyin dheeraad ah oo qar-iska-tuurnimo ah kuwaas oo ay shacabka Awdal, Hargeysa, iyo dhammaan magaalooyinka uu maamulka Somaliland ka taliyo kala kulmay diidmo dadweyne oo qayaxan gaar ahaanna isku daygii ugu danbeeyey ee uu ugu hayaamay Muuse Biixi inuu in ka mid ah badda dalka uu ugu gacan geliyo dalka Itoobiya oo xilli dheer ku taamayay inay buqcad badeed ka hantaan meel ka mid badda dheer ee Soomaaliya.

Diiwaanka wararka Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: