Siyaasi Cali Xaaji oo Dowladda Somalia ku Eedeeyay in ay Baal-martay Dastuurkii lagu Heshiiyay

Axad, Luuliyo 12, 2015 (Daljir) — Wasiirkii hore ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Puntland Dr.Cali Xaaji Warsame oo saxaafada la hadlay ayaa si weyn u cambaareeyey dowladda Federalka ee Soomaaliya.

Cali Xaaji Warsame ayaa sheegay in dowladda Federalka ay ku xadgudubtay dastuurka KM ee dalka iyadoo waxyaabo badan ka badashay waxaana uu ku tilmaamay talaabadaasi mid aan sharciga dib u dhacna ku ah geedi socodka nabada soomaaliya.

Waxaa Cali Xaaji oo ahaa wasiirkii hore ee waxbarashada Puntland ugu baaqay hogaanka Puntland in go;aan midaysan arintan ka qaataan si wax looga qabto khaladaadka joogtada ah ee ka imaanaya dhinaca Federaalka

 

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com