Shirar Gooni-Gooni ah oo Garowe uga bilowday Puntland iyo Jubbaland

Axad, Luuliyo 12, 2015 (Daljir) — Kulamo hor dhac ah ayaa saaka oo Axad ah ka soconaya aqalka Madaxtooyada dowladda Puntland ee Garoowe, kulanka ayaa u dhaxeeya madaxda dowladda Puntland iyo Jubbaland.

Waxaa ay hor dhac u yihiin kulamadaan wada-xaajoodka iyo ka tashiga aayaha dowladdaha Jubbaland iyo Puntland Sidoo kale waxaa laga wada hadli doonaa oo aad loo lafa guri doonaa hiigsiga cusub Soomaaliya ee 2016.

Shirkan oo si hordhac ah hadda u socda waxaa la filayaa sida qorshaha uu yahay in ay ka soo qeyb galaan Ra’iisal Wasaaraha Somaaliya Cumar Cabdiarshiid Cali Sharmaarke iyo madaxweynihii hore ee dowladda Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole.

By: Jaamac Abduraham

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com