Shir madaxeedka G20 oo maalintii labaad ka socda Japan

Shir madaxeedka G20 oo maalintii labaad ka socda Japan

Shir madaxeedka labaatanka dal ee ku horumaray warshadaha G20 ayaa galay maalintiisii labaad, iyadoo loo fadhiyo in lagu soo gabagabeeyo magaalada Osaka ee Jabaan, waxaana ajandaha ugu horeeya ka mid ah dagaalka ganacsiga ee u dhaxeeya Shiinaha iyo Mareykankaa oo ah labada dal ee ugu baaxadda wayn dhaqaalaha adduunka.

G20, ayaa waxaa ka qaybgalaya 19 dal iyo wakiilo kasocda Midowga Yurub.

 

Madaxwaynaha Mareykanka Donald Trump  oo wariye shirka jooga uu waydiiyay go’aanka uu ku mamnuucay shirkadaha Mareykanka inay qalabka isgaarsiinta ka iibsan shirkadda Isgaarsiinta ee Huawei ee Chine ayaa waxaa uu ku jawaabay.

“Waxaan ku raacay shirkadaheena inay qlaabka iyagu iibsadaan”

Huawei ayaa hogaaminaysa mobiladii ugu dambeeyey ee taleefanada 5G ah, taasi oo Mareykanka uu ku tilmaamay inay caqabad ku tahay ammaanka qaranka ee Mareykanka.

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com