Maxamed Qanyare Afrax oo ku geeriyooday Muqdisho

Maxamed Qanyare Afrax oo xilal wasiir iyo xildhibaan kasoo noqday dowladda faderaalka ee Soomaaliya ee lagu dhisay wadanka Kenya, kana mid ahaa hogaamiye kooxeedyadii hubaysnaa ee magaalada Muqdisho ayaa geeriyooday.

Marxuumka oo ahaa nin da’ ah ayaa xanuunsanaa sanadihii lasoo dhaafay.

Dowladdii madaxwaynaha uu ahaa marxuum Cabdulaahi Yuusuf ayuu kasoo noqday wasiirkii amniga qaranka iyo xildhibaan, isagoona sanadkii 2006dii ka mid noqday isbahaysigii la dagaalanka argagaxisada ee magaalada Muqdisho looga dhawaaqay, kaasi oo ay meesha ka saareen kacdoonkii hubaysnaa ee maxkamadihii Islaamiga ee Muqdisho, mid ka mid ah carruurtiisii oo lagu magacaabo Cabdiwali Maxamed Qanyare  ayaa iminka ka mid ah golaha baarlamaanka ee Soomaaliya.

 


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com