Shil jidka Wajaale-Jigjiga oo sababay dhimasho & dhaawac

HomeWararkaDowladda Deegaanka Soomaalida

Shil jidka Wajaale-Jigjiga oo sababay dhimasho & dhaawac

Shil gaadhi oo ka dhacay jidka u dhexeeya Wajaale iyo Jigjiga ayaa sababay dhimashada afar qof, halka ay ku dhaawacmeen todoba qof, sida Radio Daljir

Kalfadhigii 6aad ee Golaha Wasiirada Dowlad Deegaanka (DDS) oo maanta furmay
Degmada Garbo ee Gobolka Nogob, DDS (Sawirro)
Isku shaandheyn Wasiiro iyo Wasiirka Shaqaalaha & Kobcinta DDS oo la magacaabay

Shil gaadhi oo ka dhacay jidka u dhexeeya Wajaale iyo Jigjiga ayaa sababay dhimashada afar qof, halka ay ku dhaawacmeen todoba qof, sida Radio Daljir loo xaqiijiyey.

Shilka ayaa sababay isku dhaca bajaaj ay saarnaayeen saddex qof oo katimid dhanka magaaada Jigjiga iyo bas caasi ah oo waday rakaab kayimid Wajaale.

Dadka dhimashada iyo dhaawucu soo gaadheen ayaa noqday rakaabkii saarnaa baska caasiga, halka saddexdii qof ee saarnaa bajaajta ay badbaadeen.

Dawladda ayaa dhawaan soo saartay sharci dhigaya in tirada dadka gawaadhida raacaya laga dhimo tiradii hore, lagana dhiho kalabadh, si looga taxadaro cudurka halista ah ee COVID-19. Saas oo awaamiirtu tahayna waxaa muuqata in aanan wali loo hoggaansamin shuruucda ay dawladdu dajisay.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Jigjiga

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: