Saraakiil iyo Maleyshiyaad katirsanaa Al-shabaab oo lagu dilay Duqeyn ka dhacday Juubbada Hoose  (Akhriso)

HomeWararka

Saraakiil iyo Maleyshiyaad katirsanaa Al-shabaab oo lagu dilay Duqeyn ka dhacday Juubbada Hoose (Akhriso)

Faah faahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa qasaaraha ka dhashey duqeyn dhanka cirka ah oo dhacday degaano ka tirsan Gobolada Jubbooyinka laguna beegsa

Wafdi ka socda QM oo gaaray Doolow Gedo
Guddi Hoosaadka Golaha Wasiirrada Ee Arrimaha Bulshada Oo Ka Hadlay Yaraynta Faqriga iyo Horumarinta Waxbarashada
Duqa degmada Gaoowe oo ka hadlay burburinta dhismayaal sharci daro ah.(Daawo)

Faah faahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa qasaaraha ka dhashey duqeyn dhanka cirka ah oo dhacday degaano ka tirsan Gobolada Jubbooyinka laguna beegsadey Xarumo ay ku sugnaayeen Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.

Duqeymaha oo ay fuliyeen diyaarado dagaal ayaa Saraakiil ka tirsan laamaha Amniga Soomaaliya waxaa ay sheegeen in lagu dilay Sarkaalkii Madaxda u ahaa Ajaanibta Al-Shabaab, kaas oo Magaciisa lagu sheegay Sheekh Thaabit iyo saraakiil la socotey.

Duqeynta 1aad oo ka dhacday degmada Jilib ayaa Saraakiisha Ciidamada Dowladda sheegeen in lala beegsadey Saddex Xarumood oo ay lahaayeen Al-Shabaab, isla markaana uu jiro khasaaro ka dhashay duqeyntaas.

Dhinaca kale Wararka la helay ayaa sheegaya in diyaaradaha qumaatiga u kaca ee loo yaqaano Helecopter-ka ay duqeymo ka geysteen Saldhig ku yaala degmada Jamaame ee Gobolka Jubbada Hoose xilli ay Al-Shabaab isku diyaarinayeen in ay weerar ku qaadaan deegaanka Baarsanguuni sida laga soo xigtey saraakiil katirsan hay`adaha Ammaanka Soomaaliya

Ugu dambeyn Saraakiisha Hay’adaha Amniga Soomaaliya ayaa sheegay in duqeyn ka dhacday degmada Jamaame lagu burburiyay Todobo gaari oo nooca dagaalka ah, balse aan la xaqiijin khasaaraha nafeed ee ka dhashay.

Mareykanka ayaa kordhiyay labadii todobaad ee soo dhaafay duqeymaha dhanka Cirka ah, xilli intooda badan Ciidamada Mareykanka ay isaga baxeen Soomaaliya.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: