Muqdisho: Saraakiil iyo Askar loo xiray dil Guddoomiye degmo

HomeWararka

Muqdisho: Saraakiil iyo Askar loo xiray dil Guddoomiye degmo

Taliyeyaal Saldhig Boolis iyo askar ayaa loo xiray dhacdadii xalay lagu dilay Guddoomiyihii degmada Hodan C/xakiin, kaddib markii gaari uu Guddoomiyah

Ciidamo kala taabacsan Dowladda Soomaaliya iyo Wasiir Janan oo ku dagaalamay Baladxaawo.
Saaka & Dunida iyo Maxamed Lakiman, Daljir Garoowe (dhegayso)
Canab: “Hal sano iyo Bil ayaan jiifay Baayooley iyo Mandheera dhaxdeeda” (daawo)

Taliyeyaal Saldhig Boolis iyo askar ayaa loo xiray dhacdadii xalay lagu dilay Guddoomiyihii degmada Hodan C/xakiin, kaddib markii gaari uu Guddoomiyaha saarnaa ay rasaas ku fureen Ciidamo Boolis ah oo ku sugnaa agagaarka Jid Mareexaanka.

Dhacdadan ayaa aheyd mid lama filaan ah, kaddib markii gaariga uu la socday Guddoomiyaha oo Ilaalo la socdeen ay rasaas huwiyeen Ciidamada ku sugnaa barta Koontarool.

Taliyeyaasha Saldhiga Booliska Degmooyinka Howlwadaag iyo Waaberi ayaa falkan loo xiray, iyadoo uu socdo baaritaan.

Sidoo kale askartii ku sugneyd barta koontarool ayaa iyana la xiray.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa la filayaa inuu ka warbixiyo dhacdadan xalay saqdii dhexe ka dhacday degmada Howlwadaag ee lagu khaarijiyay Guddoomiyihii degmada Hodan.

Allaha u naxariistee Guddoomiye C/xakiin Dhegajuun ayaa shalay ka soo laabtay safar caafimaad uu ku tagay dalka Turkiga, kaddib markii uu ku dhaawacmay qarax lala eegtay bishii November ee sanadkii hore.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: