Ciidamo kala taabacsan Dowladda Soomaaliya iyo Wasiir Janan oo ku dagaalamay Baladxaawo.

Ciidamo ka tirsan Dowladda Faderaalka Soomaaliya iyo ciidamo taabacsan Wasiirka amaanka Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan ayaa dagaal kooban ku  dhexmaray Magaaladda Baladxaawo ee Gobolka Gedo.

Dagaalka ayaa yimid ka dib markii ciidamo kala taabacsan Milatariga Soomaaliya oo dhawaan gaaray Baladxaawo iyo Ciidamo ka tirsan Daraawiishta Jubbaland ay dhexmartay rasaas kooban oo aan gaysan Khasaaro nafeed sida uu Mustaqbal u sheegay Nabadoon Idiris oo ka mid ah waxgaradka Gobolka Gedo ee Koofurta Soomaaliya.

Nabadoon Idiris ayaa Mustaqbal u sheegay in haatan uu istaagay iskii hor imaadkii dhexmaray labada Ciidan ee kuwa sugan Magaaladda Baladxaawo ee Gobolka Gedo.

Waxa uu intaasi ku daray in ay jiraan dhaawac fudud oo uu san Xaqiiji karin tiradooda oo ka dhashay rasaasta labada Ciidan.

Idiris waxa uu Mustaqbal u sheegay in Shacabka Magaaladda Baladxaawo ay ka cabsi qabaan dagaal dhexmara Xoogga hubaysan ee ku sugan Gobolka Gedo,waxa uuna ugu baaqay labada dhinac in ay turaan Shacabka Baladxaawo isla markaana xal ka gaaraan Khilaafka u dhexeeya.

Wasiirka Amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan oo todobaadkii hore ka baxsaday dowladda Soomaaliya ayaa horkacaya dhaq dhaqaaqyada cidan ee ka socda duleedka duleedka Magaaladda Baladxaawo.

C/rashiid Janan oo xirnaa dharka milateriga ayaa maanta mar kale lagu arkay duleedka Beledxaawo, halkaasoo shalay markii u horeysay uu ka soo muuqday tan iyo markii uu ka soo baxsaday Xabsi ku yaala Magaaladda Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.

Madaxweyne kuxigeenka Jubbaland iyo saraakiil kale ayaa iyana la sheegay in ay qeyb ka yihiin qorshaha lagu doonayo in dib gacanta Jubbaland loo soo geliyo degmooyin ka tirsan Gobolka Gedo oo ay ku suganyihiin Ciidanka Dowladda Soomaaliya.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa dowladda Soomaaliya waxa ay Gobolka Gedo u dirtay boqolaal ciidamo isugu jira Milatari iyo kuwa booliska gaarka u tababaran ee loo yaqaan Haramcad, kuwaasoo la wareegay Doolow iyo Baladxaawo oo ahaa deegaan awood badan ku lahaa C/rashiid Janan wasiirka amaanka Jubbaland.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com