Wasaarada maaliyada  oo joojisay lacagaha loo kala gudbiyo Gobolada Puntland (Akhriso)

HomeWararka

Wasaarada maaliyada oo joojisay lacagaha loo kala gudbiyo Gobolada Puntland (Akhriso)

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda Puntland Cabdi Warsame Ibaraahim Qowdha lana ogeeysiiyay, Wasiirka Maaliyadda Punt

Xulashada Daljir & Xasan Heykal iyo Daljir Bossaso (dhegayso)
Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey oo farriin u diray Xasan Sheekh Maxamuud
Kulanka Baarlamaanka ee maanta maxaa looga hadli doonaa? (Akhriso)

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda Puntland Cabdi Warsame Ibaraahim Qowdha lana ogeeysiiyay, Wasiirka Maaliyadda Puntland, Rugta Ganacsiga Puntland, Guddiga xalinta Suuqa lacagaha Puntland iyo Bangiga Puntland ayaa loo diray, Kuxigeenka Agaasimaha Guud ee Dakhliga, Taliska Guud ee ilaalada Canshuuraha ee Puntland & Taliska Guud ee Booliska Puntland, kuwaas oo la faray inay dhaqan geliyaan Amarka Wasaaradda Maaliyadda.

“Iyada oo laga duulayo dhaqan gelinta Awaamiirta Guddiga xalinta dhibaatada Suuqa lacagaha ee Puntland waxaa la farayaa mas’uuliyiinta dhamaan baraha Canshuuraha ee kastamyada Puntland iyo taliska Ciidanka ilaalada Canshuuraha arrimaha soo socda.

1: in uusan u kala gudbi karin Gaadiid wada lacag Shillin Soomaali ah oo u socdo Gobol kale.

2: in la baaro Gaadiidka lana hudbiyo badeecadaha iyo waxkasta oo ay sidaan

3: in Gaarigii lagu qabto lacag Shillin Soomaali ah lagu soo xareeyo Saldhiga ugu dhow si loo mariyo Sharciga.

Ugu dambeyn Ganacsatada ayaa waxaa la faray inay joojiyaan lacagaha Shillin Soomaaliga ah oo ay u kala safriyaan Gobolada Puntland ayna qulqulka lacagta Shillin Soomaaliga ah soo dhexmariyaan Akoonada Bangiga Puntland, kadibna meesha uu uga baahan yahay uu ka qaato lacagtaas oo Shillin Soomaali ah.

Amarkaan kasoo baxay Wasaaradda Maaliyadda Puntland ayaa waxaa uu daba socdaa qorsho Puntland ay wado ee ah socod siinta Shillin Soomaaliga si loo yareeyo sicir bararka.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: