Guddi Hoosaadka Golaha Wasiirrada Ee Arrimaha Bulshada Oo Ka Hadlay Yaraynta Faqriga iyo Horumarinta Waxbarashada

Guddi Hoosaadka Golaha Wasiirrada Ee Arrimaha Bulshada Oo Ka Hadlay Yaraynta Faqriga iyo Horumarinta Waxbarashada

-Guddi hoosaadka golaha wasiirrada ee arrimaha bulshada (Tubta Arrimaha Bulshada) oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay qorshaha yaraynta faqriga iyo horumarinta waxbarashada dalka.

Wasiiru dawlaha wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare, Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle (Jaabir) ayaa sheegay in kulanka lagu ansixiyay qorshaha wax ka qabashada faqriga oo uu soo bandhigay wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada.

Qorshaha yaraynta faqriga ayaa waxaa kamid ah hir-gelinta hannaan isku xir loogu samaynayo hay’adaha gargaarka iyo in la sameeyo cilmi baaris lagu ogaanayo heerka nolosha dadka danyarta ah iyo sida deeqaha ay bixiyaan hay’adaha gargaarku ay wax uga bedelaan nolosha bulshada.

Kulankan oo uu guddoominayay ra’iisul wasaare ku-xigeenka XFS, mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa sidoo kale looga hadlay qorshaha horumarinta hannaanka waxbarashada, gaar ahaan in iskuulaadkii dawladdu maamuli jirtay lagu soo celiyo gacanta dawladda, in macallimiin iyo maamulayaal ay dawladdu mushaarkooda bixiso loo shaqaalaysiiyo iskuulaadka dawladdu maamusho, in la helo guddi qiimayn iyo kormeer ku sameeya tayada waxbarashada iyo in manhajka cusub ee waxbarashada la gaarsiiyo iskuulaadka.

Tubta Arrimaha Bulshada ayaa oggolaatay in wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee dalka ay qorshayaashaan u fulis0 sida ay usoo diraarisay si hannaanka loo teyeeyo waxbarashada dalka.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com