Saddex ruux oo qaraxa Bossaso qaarna aragga ku waayeen qaarna ku luga beeleen

HomeWararka

Saddex ruux oo qaraxa Bossaso qaarna aragga ku waayeen qaarna ku luga beeleen

Fartuun Yuusuf, waa gabar dhalinyaro ah oo ay hooyadeed mehrad ku lahayd afaafka hore ee maxkamadda Bosaso, waxaana dhaawac uu ka soo gaaray indhaha i

Turkiga oo Saldhig labaad oo Milatari ka Dhisaya Duleedka Magaalada Muqdisho (dhegayso&sawiro)
Madaxweynaha Puntland oo sharci darro ku tilmaamay talaabadi lagu riday xukumadii Khayre (Daawo)
Saaka & Dunida iyo Maxamed Lakiman, Daljir Bosaaso (dhegayso)

Fartuun Yuusuf, waa gabar dhalinyaro ah oo ay hooyadeed mehrad ku lahayd afaafka hore ee maxkamadda Bosaso, waxaana dhaawac uu ka soo gaaray indhaha iyada oo hooyadeed ay gabi ahaanba gubatay.

Qaraxa ayaa ahaa mid la geliyay albaabka maxkamadda Bosaso.

Fartuun ayaa ku arag beeshay qaraxa, waxaana xiliga uu dhacayay qaraxu ay u timid hooyadeed oo ay doonaysay in ay caawiso. Hooyada dhashay Fartuun ayaa jirkeedu dab uu qabsaday oo uu qaraxu gubay.

Maxamed Cali Saleemaan waxaa uu ahaa taliyaha ciidamada ilaalada ee maxkanadda ee Bosaso, isaga oo sanadkii hore dhaawac uu ka soo gaaray weerar lagu soo qaaday maxkamadda dhanka madaxa iyo feeraha,  ayuu haddana mar kale waxa uu ku dhaawacmay qaraxii saakay, kuna waayay lugihiisa, waxaana loo qaaday dhaqtar qaabilsan lafaha.

Diiwaanka wararka

Daljir.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: