Maamul goboleedyada oo shacabka waxba u qaban halka ay ku yihiin caqabad dowladda dhexe hortaagan (Faalo)

Maamul goboleedyada oo shacabka waxba u qaban halka ay ku yihiin caqabad dowladda dhexe hortaagan (Faalo)

Hirshabeele waare nin ka layiraahdo waa nin naftiisa shilin u raad sanaaya,inta badan mogdishuu iska fadhiyaa dagaanka waxba uuma qabto sidaa kuwaa hore oo kale. shariifkii baydho mudada dheer haystay kaligiis talis buu ahaa baydhabo ma dhaafin waligii koonfur galbeedna wuu la haray lacana jeebka waa buuxsaday hade xaaran baan waxba tarayn la ogaayoo.

Oday xaaf wuxuu doonayaa in kursiga loogu dhufto shan sano oo hada loo bilaabo! wali isagu masal dhigan hayeeshee danta deegaanka in uu kafikiro ayay ahayd iyo shacabka hada hawlo kale ayuu ku jiraa cidkalana uma ogola talo.

waxaa sidan oo kale ah Soomaaliland oo jifo haysato 28 sanadood. cidkale uma ogola shacab talo lawaydiiyaana majirto wax dan guud ah oo mudadaas dheer maamulku qabtayna haba sheegin.hargaysa biyo lacabo oo nadiif ah malaha lacagihii gaalo siisay oo malaayiin ah waa la cunay. waa nidaam qabiilaysan oo dawlad sheeganaaya laakiin ah qawlaysato sidaa Puntland iyo kuwa kalaba. shacabka cid u naxaysaa majirto waa niman ka faa iidaysanaaya dawlad la aanta ka jirta soomaaliya.

2. qodobka labaad waa nimankaani dhib ay ku hayaan dawlada fadaraalka ah,waxay isu tageen khayr isuguma aysan tagin waxay isu kaa shadeen sidii ay xukunkooda yar usii haysan lahaayeen oo dalkaan uusan u helin dawlad shaqaysa. maxaayeelay waxay isu arkaan madaxweyne yaal ah dawlad markaa waxay is waydiinayaan waa maxay dawladnimada inaga dhimani? sidan ayaanba ku nahay dawladee aan xajisano weeye arinkoodu. cabsi wayn bay ka qabaan in dalka soomaaliya ka dhalato dawlad shaqaysa.

Had iyo jeer waxay ka shaqaynayaan in aan lahelin dawlad dhexe oo xoogleh oo dalkoo dhan hanata,waxayna kala ilaalinayaan shacabka soomaaliyeed iyo dawlada dhexe inay isla jaan qaadaan. waxay ku dadaalayaan oo xoojinayaan in shacabka qabyaalad lagu kiciyo laguna haysto afduubkaas. danta shacabka maha in laga horyimaada dawlad soomaaliyeed oo shaqaysa oo danaha shacabka anfacaysa laakiin waa dikteeytaro dawladii dhexe iyo shacabka u dhaxeeya oo kala qarinaaya.

shacabka soomaaliyeed ee dagan PUNTLAND shacabka soomaaliyeed ee dagan SOOMAALILAND shacabka soomaaliyeed ee dagan GALMUDUG shacabka soomaaliyeed ee dagan KOONFUR GALBEED shacabka soomaaliyeed ee dagan HIRSHABEELE mahayno meel madaxdoodu ku waydiisay rabitaankooda kala tashatay masiirka umada soomaaliyeed. laakiin waxaan haynaa iyagoo kasoo horjeeda in soomaaliya dawladi ka hana qaado.waxaana wada ognahay in shacabka soomaaliyeed badankiisu rabo dawladaa dhexe ee hada inoo dhisan. shacabka gobolada in la afduubaa oo nin meel inta ku xirto ku gorgortamaa xaqmaha danta shacabka soomaaliyeedna kuma jirto in tuug manaxayaal ahi kala qoqoqobaan.

waa in shacabka soomaaliyeed iska tuuraa heeryada gumaysiga laga soo min guuriyay ee oranaysa waxaa tihiin madaxweynayaal iyo dawlado yaryar oo aan rabin haldawlad oo karaamo leh dalkana xukunta. madaxda goboladu waa danaystayaal cadaw ku ah shacabka soomaaliyeed jiritaankiisa cadaw ku ah in dalkeenu helo dawlad shaqaysa. Maamul goboleedyadu marna am ogalaanayaan labadaa arimood hadaan layska qaban oo ah xukunka oo jifadoodu haysato intabadan beelahana laxaqiro,iyo in ay la dagaalamaan dalkeena in dawlad dhexe oo hanata dalka ka dhicin.shacabka soomaaliyeed yaan laga horjoogsan dawladiisa uu taageersan yahay ninkii taa ka waantoobi waayana shacabka iyo dawlada oo wada socdaa cagta marin dhawaan waana mid lagu qasban yahay baryo maha.maxaayeelay dawladnimada soomaliya cidii ka hortimaada axdigaa ah in lagu ruuxbaxo oo gacan loola tago hadii kale qaran jira iyo dawlad waligeen noqon mayno taana yeelimeeyno.

Shacabka soomaaliyeed waxaa deeqa oo kaliya soomaalinimada,midnimada,dawlad nimada,waxaan leenahay hal caasimad,hal madaxweyne,hal calan wixii intaa kabadalan waa qabiil iyo jifo iyadana meel nin ku gaara lawaa dunida.

Yuusuf Omar

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 1
  • Gurtahaji 5 years ago

     Ninka maqaalkaan qoray waa qolyihii ah facebook troops ee farmaajo yiri federaalka ayaan la dagaalamaynaa ee qayladiina hala maqlo meel walba si dawlad kacaankii 21ka okt u soo noqoto.

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com